Warbaahinta Reer Galbeedka Oo Sheegtay in Saldhigga Turkiga iyo Garoonka Aadan Cadde lala Rabay Qaraxii isgoyska Zoobe [Warbixin].

Wednesday October 18, 2017 - 08:42:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Reer Galbeedka Oo Sheegtay in Saldhigga Turkiga iyo Garoonka Aadan Cadde lala Rabay Qaraxii isgoyska Zoobe [Warbixin].

    Qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee halaagga badan dhaliyay ayaa wali la hadal hayaa, warbixin cusub oo ay faafisay idaacadda Codka Mareykanka ayaa sheegaysa in qaraxaas loo waday mid kamida saldhigyada waaweyn ee dowladaha shisheeye ku leeyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

276 qof ayaa ku dhimatay qaraxii Zoobe
Qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee halaagga badan dhaliyay ayaa wali la hadal hayaa, warbixin cusub oo ay faafisay idaacadda Codka Mareykanka ayaa sheegaysa in qaraxaas loo waday mid kamida saldhigyada waaweyn ee dowladaha shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya.



Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.


30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo askari oo Soomaali ah.

Dhinaca kalana, agaasimihi hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in bamki lagu qarxiyay isgoyska Zoobe lagu soo diyaariyay dhul beera ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarraxi 14-ki October ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux. Tiro intaasi ka badan ayaa ku dhaawacmay.


Sidoo kale saxaafadda Ingiriiska ayaa faafisay warar ku saabsan qaraxii isgoyska Zoobe kaasi oo si aad ah looga hadal haayo caalamka, Wargeyska The Guradian ee caanka ah ayaa sheegay in weerarkan lagu weerari rabay bartilmaameedyo kuyaal garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku heyso shirkad Turkish ah.

"Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaariga qarxay askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaasoo ka soo jeeda deegaanka Bariire.”ayuu daabacay wargeyska.

Wargeyska The Guardian wuxuu leeyahay weerarkan wuxuu noqon lahaa midkii ugu weynaa ee abid lagu qaadi lahaa saldhiyada DF-ka iyo saaxibadeeda ajaanibta ah ku leeyihiin Muqdisho wuxuuna si gaar ah u sheegay in weerarka lala rabay Albabaabka Madiina oo kamid ah irdaha laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho, "Gaariga yar waxaa la doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde Medina Gate kadibna gaariga weyn uu wadada u furo si uu ugu qarxo gudaha ama afaafka hore ee garoonka diyaaradaha.”ayuu qoray wargeyska The Guardian.

illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyaddii qaraxii Zoobe balse mas'uuliyiin katirsan DF-ka ayaa ku eedeeyay xarakada Al Shabaab oo caan ku ah beegsiga saldhigyada ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo kuwa dowladda Federaalka oo shisheeyaha kaba qaad u ah.

Xigasho:The Guardian+VOA

Related Items