Xildhibaan Bootaan Ciise Oo Ku Geeriyooday Wadanka Hindiya.

Wednesday October 18, 2017 - 12:08:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Bootaan Ciise Oo Ku Geeriyooday Wadanka Hindiya.

    Sida ay sheegeen qaar kamid ah guddiyada Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxaa geeriyooday mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo muddo sanada ah siyaasadda Soomaaliya kusoo jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen qaar kamid ah guddiyada Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxaa geeriyooday mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo muddo sanada ah siyaasadda Soomaaliya kusoo jiray.



Bootaan Ciise Caalim oo horay usoo noqday wasiir iyo hoggaamiye kooxeed ayaa ku dhintay isbitaal kuyaal magaalada New Delhi ee wadanka India.

Sida ay sheegeen ehelladiisa Xildhibaan Bootaan ayaa dhintay xilli qalliin lagu sameynayay, Bootaan Ciise ayaa daba yaaqadii sanaddii 2016 lagusoo doortay magaalada Cadaado taas oo uga dhigneed in uu xubin ka noqdo dhammaan baarlamaanadii dalka soo maray lagasoo bilaabo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.

Bootaan Ciise caalim ayaa kamid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee caanka ku ahaa dagaallada sidoo kale maamulkii Cabdullaahi Yuusuf ayuu ka noqday wasiirka dhaqan celinta iyo tababarka Maleeshiyaadka.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items