Garsoore Mareykan Ah Oo Hakiyay Go'aankii Donald Trump ee Xayiraada Saarayay Muwaadiniinta Dalal Ubadan Muslimiin.

Wednesday October 18, 2017 - 12:24:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Mareykan Ah Oo Hakiyay Go'aankii Donald Trump ee Xayiraada Saarayay Muwaadiniinta Dalal Ubadan Muslimiin.

    Maxkamad Federaalli ah oo kutaal wadanka Mareykanka ayaa hakisay qaraarkii Donald Trump ee xayiraadda kusoo rogayay muwaadiniinta 8 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Federaalli ah oo kutaal wadanka Mareykanka ayaa hakisay qaraarkii Donald Trump ee xayiraadda kusoo rogayay muwaadiniinta 8 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya.



Garsooraha Maxkamadda gobolka Hawii ayaa soo saaray go’aan si KMG ah u joojinaya amarka Trump, maxkamadda Federaaliga ah waxay sheegtay in qaraarka Trump uusan aheyn mid sharci ah islamarkaana aan caddeymo dheeri ah ka bixinayn in muwaadiniinta 8-da dal ay halis ku yihiin ammaanka wadanka.

Kumanaan qof soo galooti Mareykan ah ayaa si diirran usoo dhoweeyay amarka kasoo baxay garsooraha maxkamadda gobolka Hawii "qaraarka madaxweynaha wuxuu khilaafsanyahay qaraarkii maxkamado Federaalli ah ku joojiyeen amarkiisii hore mana wato caddeymo muujinaya in muwaadiniinta la mamnuucay ay halis ku yihiin amniga qaranka” ayuu yiri qaadiga maxkamadda Hawii.



Sidoo kale Go’aankan ay gaartay maxkamadda ayaa meesha ka saaraya qadiyaddii Honolulu oo la filayay in maanta oo arbaco ah ay dhaqan gasho, wadamada sideedda ah ee muwaadiniintooda laga mamnuucay in ay usafraan Mareykanka badankood waa muslimiin marka laga reebo Venezuela iyo Waqooyiga Kuuriya.

Hoggaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka aqalka cad wuxuu la kulmayay turaanturrooyin dhanka siyaasadda ah wuxuuna soo saaray waamir cunsuriyadeed oo takooraya muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items