Taliban Oo 43 Askari Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Koonfurta Afghanistan.

Thursday October 19, 2017 - 12:38:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban Oo 43 Askari Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Koonfurta Afghanistan.

    Wadanka Afghanistan waxaa wali kasii socda dagaallada culus ee ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee NATO iyo kuwa xukuumadda Dabadhilifka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Afghanistan waxaa wali kasii socda dagaallada culus ee ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee NATO iyo kuwa xukuumadda Dabadhilifka ah.

Wararka ka imaanaya Koonfurta Afghanistan ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan Taliban ay saaka aroortii hore ay weerar kula jarmaadeen saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Qandahaar.

Dowladda Kabuul waxay xaqiijisay in la baabi’iyay dhammaan ciidamadii ku sugnaa saldhigga Melleteriga degmada Maiwand, saraakiisha Melleteriga waxay sheegeen in 43 Askari ay dhinteen halka 6 askari lala’yahay.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in weer xooggan ay Taliban ku qaaday degmada Maiwand waxayna u adeegsatay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay waxaana xigay weerar toos ah oo rag hubeysan aybfuliyeen.


Dagaalyahanada Taliban waxaa u suurtagashay in si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta degmada Maiwand iyo saldhiggii ay weerareen.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Taliban ay weeraro 100 Askari lagu dilay ay ka fulisay Koonfur Bari Afghanistan islamarkaana ay dib ula wareegtay ugu yaraan 3 magaalo oo istiraatiiji ah.

Related Items