Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre Oo Markale Iclaamiyay Dagaal Ka Dhan Al Shabaab.

Thursday October 19, 2017 - 20:11:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre Oo Markale Iclaamiyay Dagaal Ka Dhan Al Shabaab.

    Hoggaanka Sare ee Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Sare ee Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.



Max’med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha DF-ka iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si isku mid ah ugu dhawaaqay in xaalad dagaal lageliyay dhammaan ciidamada DF-ka ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Farmaajo oo hadlayay ayaa sheegay in laga billaabo maalinta Sabtida ay bilaabanayaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo uu ku eedeeyay in ay mas’uul ka aheyd qaraxii khasaaraha Badan dhaliyay ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay isgoyska Zoobe.



Dhinaca kale Xasan Cali Kheyre oo boqolaal qof kula hadlayay Muqdisho ayaa isna sheegay in maalinta Sabtiga ay bilaabayaan olole melleteri oo ka dhan ah wax uu ugu yeeray ‘Argagaxiso’.

Lama oga waxa ay dagaal ku dhawaaqistaan uga bedelnaan doonto hanjabaadyo ay horay ujeedin jireen madaxda Dowladda Federaalka, waxaana muuqata in caradii ka dhalatay shacabkii ku dhintay qaraxii Zoobe ay DF-ka ku abuurayso xaalad colaadeed oo hor leh arrinkan oo sababi kara khasaare hor leh oo dadka shacabka ah soo gaara.

illaa iyo hadda majirto cid sheegatay Mas'uuliyadda qaraxii dadka shacabka ah ku hoobteen ee isgoyska Zoobe wuxuuna qaraxaasi abuuray dareen murug leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items