Weerar Hubeysan Oo Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Deegaanka Cali Fooldheere.

Sunday October 22, 2017 - 11:43:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Hubeysan Oo Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Deegaanka Cali Fooldheere.

    Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe kadib markii ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyaan maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah ay duullaan ku qaadeen deegaano hoos yimaad degmada Mahadaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe kadib markii ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyaan maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah ay duullaan ku qaadeen deegaano hoos yimaad degmada Mahadaay.


Wararka ka imaanaya deegaanka Cali-Fooldheere oo dhanka Waqooyi Uga beegan degmada Mahadaay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen deegaanka oo dhowr bilood ka hor ay gaareen ciidamo Mareykan iyo AMISOM ah.

Xalay saqdii dhexe ayay dagaallo culus ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo Huwanta ah deegaanka Cali Fooldheere, ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara xooggan uu ka dhashay weeraro xilli habeen ah lagu miray ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga gobolkaasi.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallada dib uga qarxay deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe..

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items