Qodobadan Ayaa Kasoo Bixi Kara Garab Weydiisashada Farmaajo Ee Itoobiya iyo Uganda W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Sunday October 22, 2017 - 14:23:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.8/5 Stars) Total Votes: 4
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qodobadan Ayaa Kasoo Bixi Kara Garab Weydiisashada Farmaajo Ee Itoobiya iyo Uganda W/Q Warfaa Kheyrdoon.

    Madaxweynaha DF-ka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu maalmo ka hor ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagoo ciidamadiisa ugu khudbeeyay in ay diyaar garoobaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musevebi ayaa gacanta bidix ku salaamay Farmaajo
Madaxweynaha DF-ka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu maalmo ka hor ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagoo ciidamadiisa ugu khudbeeyay in ay diyaar garoobaan.



Wuxuu shaaca ka qaaday inuu degayo degmada Afgooye islamarkaana uu furimaha u dirayo ciidamada, Balse isbaddel ayaa arrintaasi ku yimid kadib markii uu xaaladda qiimeeyay la taliyaashiisuna uga xog warrameen xaqiiqda.

Farmaajo ayaa sida xogta lagu helayo waxaa usoo baxay in aysan ciidamadiisu la dagaalami karin Xarakada Al-Shabaab maadaama kuwii afrikaanta ahaa ay gacan ku gabbad yihiin godadna ku jiraan, waana midda keentay inuu go’aansado in uu kaalmo ka raadsado dowlado ay kamid yihiin Uganda iyo Itoobiya.



Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada ayaa inoo sheegay in safarkiisa ugu horreeya uu ku tagi doono Kambala oo ah caasimadda Uganda, kadibna uu Itoobiya iyo Jabuuti sii mari doono, waxaana uu socdaalkiisan qaadan doonaa muddo todobaad ah.

Maxay Tahay Natiijada Socdaalkiisa Kasoo Bixi Karta?.

1-Dowladaha uu garabka ka raadsanayo waxay markii horaba qeyb ka ahaayeen dagaalka waxaana dalka ka jooga ciidamo, sidaa darteed waxba uma soo kordhin karaan waaba haddii ay codsigiisa u dheg raariciyaan.

2-Kampala waxay Farmaajo u leedahay taariikh madoow, waa magaaladii uu sannadkii 2011 kii ka dhacay shirkii "Kampala Accord” ee ku qasbay inuu iska casilo xilkiisii Ra’iisulwasaare-nimo, taasoo ay dheer tahay in uu madmadow ka dhex jiray isaga iyo Yoweri Museveni waxaan la saadaalinayaa in uu culeyska ugu daran kalasoo kulmi doono, waana midda keentay inuu ku hormaro.

3-Socdaalka Farmaajo wuxuu niyad jab ku yahay ciidamadiisa oo uu maalmihii lasoo dhaafay ugu sheekeynayay in ay libaaxyo yihiin Al-Shabaabna ay eryan karaan.

4-Socdaalkiisa wuxuu sii adkeynayaa mushaar la’aantii iyo duruufihii ay askartiisu ku noolaayeen muddo ka badan lix bilood, sababtoo ah waxaa dayuuradaha uu raacayo ku baxaya in ka badan 100 kun oo dollar.

5-Natiijooyinka waxa kamid ah in uu Farmaajo dagaalka ku dhawaaqay isagoo aaney waxba isugu aadanayn, waxaana muuqanaya in uusan cashar ka qaadan dagaalkii uu sida fudud ugu dhawaaqay wax yar kadib markii la doortay. Waa lab lakac aan qorshe ku saleysneyn.

6-Madaxweynuhu wuxuu horraantii sannadkan soo xirtay labiska milatariga isagoo isisoo ag istaajiyay haweeneyda u dhaxda oo uu iyana surwaal iyo shaar tuute ah u xiray, laakin hadda wuuxu ka waantoobay arrintaas, isaga kaliya ayaana soo labistay oo isisoo sawiray.

7-Natiijada kale oo soo bidhaameysa waxay tahay, haddii uu farmaajo ku fashilmo qorshahan in ay dowladdiisu burbureyso, sababtoo ah waxaa dhinac ka cunaya maamul goboleedyo u shaqeeya shisheeye kale, dhan waxaa uga dhaggan imaaraadka carabta, dhinac wuxuu ka wajahayaa mucaarado gudaha dowladda ah taasoo ay usii dheertahay dagaalka Al-Shabaab.

8-Farmaajo caruurtiisu waxay joogaan dalka Mareykanka halkaas oo ay wax ku bartaan. Sannadkii 2011-kii wuxuu sheegay in dagaalka uu Muqdisho ka wado uu ku difaacayo shacabka New York iyo Washington, sidaa darteed in badan oo kamid ah aabayaasha Soomaaliyeed kama daadagi karto in uu caruurtooda ku Awr kacsado nin siyaasad ahaan fashilmay oo garan la’ dhan uu nidaamkiisa u dhaqaajiyo.

Ugu dambeyntii

الآية: ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ﴾

Aayaddan kor ku xusan wuxuu Allaah si cad ugu reebay in gaalo ka kaashado oo gaashaanbuur lala noqdo, intaas kadibna wuxuu riday xukunka ciddii sidaa sameysa oo uu ku tilmaamay iney gaalada kamid tahay.

 

{إِن تَمْسَسْكُمْ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ وَإِن تُصِبْكُمْ سَيِّئَةٌ يَفْرَحُواْ بِهَا وَإِن تَصْبِرُواْ وَتَتَّقُواْ لاَ يَضُرُّكُمْ كَيْدُهُمْ شَيْئاً إِنَّ اللّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ}

Yaa ka run badan Allaah? Allaah wuxuu aayaddan kale inoogu sheegay arrin ka duwan waxa uu ku dhawaaqay Farmaajo oo ah in gaaladu horumar gaarsiinayaan ummada.

 

Allaah wuxuu inoo sheegay haddii aan wanaag helno iney gaaladu ka xumaanayaan, haddii uu dhib na asiibana ay ku farxayaan, marka waxaa halkaa ummada Soomaaliyeed uga cad inaanu kheyr ka imaaneyn mashruuc ay shisheeye wataan, taariikhdana ma dhicin gaalo horumar gaarsiisay muslimiinta.

Midda Afgubaadsiga ah ee ay ku hadaaqayaan madaxda dowladda Federaalka oo ah "waxaan u aargudeynaa dadkii lagu laayay Zoobe” waa dhalanteed.

Dadkaan muslimiinta ah ee musiibadu ku dhacday runtii aadna looga naxay looguma aargudayo daadinta dhiig kale oo muslimiin ah waliba iyadoo lasoo kaashanayo cadawgii umadda ee Xabashida Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed oo 25-kii sano ee lasoo dhaafay khibrad ballaaran ka dhaxlay dowlad la’aantii lasoo maray marna lagama dhaadhicin karo iyo Itoobiya iyo xulufadeeda AMISOM ay Kheyr la doonayaan.

Ficilka Farmaajo waxba kama duwan dhawaqii Col.Cabdullaahi Yuusuf ee sanaddii 2004 Kumanaan kun askar Itoobiyaan ah dalbaday markii ay dalka uqabteena u difaaci waayay xukunkiisai.

Waxaan kusoo gabagabeynayaa {إِنَّ اللَّهَ لا يُصْلِحُ عَمَلَ الْمُفْسِدِينَ} Allaah ma hagaajiyo camalka mufsidiinta, waxaana ku baaqayaa in Allaah subxaanahu watacaalaa xaggiisa loo cararo halkii gaalada dhankooda la milicsan lahaa.

W/Q Warfaa Kheyrdoon
Email:[email protected]

Related Items