Nabadoon Xuseen Qoobeey Oo Arrin Siyaasadeed loogu Dilay Magaalada Muqdisho.

Monday October 23, 2017 - 09:04:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Xuseen Qoobeey Oo Arrin Siyaasadeed loogu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Ugaarsiga ka dhanka ah Odayaashii ka qeyb qaatay soo xulidda Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xowlli ah uga socda dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari qof lagu dhax dilay
Ugaarsiga ka dhanka ah Odayaashii ka qeyb qaatay soo xulidda Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xowlli ah uga socda dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.


Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa dilal qorshaysan ku haya odayaashii ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulay xildhibaanada baarlamaanka.

Xalay Fiidkii ayay xoogag hubeysan degmada Wadajir ee Koonfur galbeed magaalada Muqdisho Ku dileen Nin Oday dhaqameed ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Qoobeey, raggii dilka geystay ayaa la sheegay in si nabad gelya ah ay goobta uga dhaqaaqeen.

Qoobeey ayaa magaalada Jowhar uga qeyb galay fadhiyadii lagusoo xulayay xidlhibaanada DF-ka ee ka yimid dhanka maamulka isku magacaabay 'HirShabelle'.


Falkan dilka ah Wuxuu kudaba feylayaa Tiro Odayaal ah oo lagu dilay gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya kuwaas oo ku lug yeeshay Ololaha Shisheeyahu ka wadaan dalka oo ay ku jirto in la sameeyo Baarlamaano Sharci ka dhiga waxyaabaha ay Shisheeyuhu doonayaan.

Badanaa Xarakada Al-Shabaab ayaa fulisa dilalka nuucaan ah waxayna horay ugu hanjbtay in ay dili doonto Odoyaashii ka qeyb qaatay soo xulista Baarlamaanka, waxaana muuqata in in ballantaas ay ka dhabeynayaan dagaalyahannada Xarakada waxaana xusid mudan in DF-ka ay ay dayacday Odayaashan kadib markii ay ku shaqeysatay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items