Afar Askari Oo Lagu Dilay iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid.

Monday October 23, 2017 - 20:51:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Askari Oo Lagu Dilay iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay iska hor'imaadyo ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray xaafado dhaca Bariga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay iska hor'imaadyo ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray xaafado dhaca Bariga magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 4 Askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor’imaadyo ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Goob joogayaal ayaa sheegay in taliye katirsan sirdoonka Dowladda Federaalka lagu dhax dilay gudaha xarunta degmada Yaaqshiid kadibna ciidamo melleteriga katirsan ayaa sedax askari ku dilay gudaha Suuq Bacaad taas oo wadarta guud ee dhimashada ka dhigaysa 4 Askari.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay qaab beeleed udagaallamayaan iyadoona xiisada colaadeed oo ciidamada dhaxdooda ah lagasoo sheegayo degmada Yaaqshiid sida ay sheegayaan dadka deegaanka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items