Farmaajo Oo R/Wasaaraha Itoobiya Ugu Faanay Dhiibistii Qalbi Dhagax Kadib Kulan Ka Dhacay Addis.

Tuesday October 24, 2017 - 08:56:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo R/Wasaaraha Itoobiya Ugu Faanay Dhiibistii Qalbi Dhagax Kadib Kulan Ka Dhacay Addis.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa magaalada Addis kula kulmay R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desaglen waxayna ka wadahadleen duullaanka gumeysi ee Soomaaliya lagu qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa magaalada Addis kula kulmay R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desaglen waxayna ka wadahadleen duullaanka gumeysi ee Soomaaliya lagu qaaday.

Farmaajo oo markii ugu horraysay hor fadhiistay sayidkiisa Desaglen ayaa si dadban usoo hadal qaaday dhiibistii Halgamaa Qalbidhagax oo dowladdiisu ku wareejisay Sirdoonka Itoobiya, wuxuu sheegay in heshiiska dhanka amniga ah ee labada dowladood ka dhaxeeyo uu yahay mid muhiim ah.

"Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal, Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.” Ayuu yiri Farmaajo.


Marka lagasoo tago dhiibistii Qalbi dhagax oo Dowladda Federaalka ugu dhowaanaysay Itoobiya ayuu Farmaajo dowladda Itoobiya si toos ah uga codsaday in ay ku gacansiiso dagaal ballaaran oo dhowaan lagu qaadi doono magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya oo ay maamusho Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Socdaalka Farmaajo ee magaalada Addis Ababa ayaa banaanka soo dhigaya fashilka Hoggaanka cusub ee DF-ka ku dhaqaaqay iyo sida uu u yahay Nidaam dabadhilif ah oo aan waxba doornin nidaamyadii hore.

Farmaajo ayaa ka hor intii uusan madaxweyne u noqon Dowladda Federaalka wuxuu dadka ku dhagri jiray in uu yahay wadani dalka ka saari doona ciidamada shisheeye balse wuxuu noqday Nin Xabashida jilbaha uga qabsanaya in ay sii heystaan dalka islamarkaana dhul hor leh qabsadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items