Al Shabaab Oo Markale Guluf Dagaaleed Ku Qaaday Degmada Afgooye Ee Duleedka Muqdisho.

Tuesday October 24, 2017 - 08:37:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Markale Guluf Dagaaleed Ku Qaaday Degmada Afgooye Ee Duleedka Muqdisho.

    Ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaal culus waxay ku qaadeen fariisin ciidamo katirsan dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaal culus waxay ku qaadeen fariisin ciidamo katirsan dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.



Saqdii dhexe ee Xalay ayaa ciidamo aad u qalabeysan oo katirsan wilaayada Islaamiga Sh/hiise waxay weerareen ciidamo katirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa buundada Yar oo ku taalla wadada Afgooye ka baxda ee aadda dhanka magaalada Baydhabo.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la xaqiijiyay iney gaartay ciidamada halkaas lagu weeraray, balse ma hayno tirada dhabta ah.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo shalay galab kolonyo katirsan Ciidamada Shisheeye weerar jidgal ah oo aad u xooganaa kula kulmeen deegaanka Ceel-Wareegoow ee u dhow magaalada Marka xarunta sh/hoose, waxaana dagaalkaas khasaare adag uu kasoo gaaray ciidamada AMISOM ee weerarka lala helay.



Ciidamada Shisheeye ee kamiinka loo dhigay oo u socday magaalada Baraawe ayaa hakiyay socodkooda waxaana markii noogu war dambeysay ay xalay ku hooyanayeen halkii uu weerarku ku qabsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items