Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaarisa.

Thursday June 12, 2014 - 15:10:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaarisa.

    Wararka ka imaanaya gobolka NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay xalay fiidkii uu ka dhacay magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay xalay fiidkii uu ka dhacay magaaladaasi. Charles Kiyua oo ah taliyaha booliska magaalada Gaarisa ayaa warbaahinta u sheegay in sedax qof ay ku dhaawacmeen qaraxii xalay oo lala eegtay goob lagu fiidsado.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay tobaneeyo qof ka raafeen xaafadaha dhaca waqooyiga magaalada Gaarisa.
Ammaanka Kenya ayaa sanadadii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay tan iyo markii ciidanka Kenya ay duullaanka gardarrada ah ku qaadeen dalka Soomaaliya.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal cuuryaamiyay dhaqaalaha Kenya oo dalxiiska ku tiirsan,bishii lasoo dhaafay ayay Mombaasa isaga baxeen boqolaal dalxiisayaal reer galbeed ah.

Related Items