Dowladda Sacuudiga Oo ku dhawaaqday in Axaadith-ta Nabiga صلى الله عليه وسلم laga faafreebayo Waxa loogu yeero Argagixisada! [Warbixin].

Tuesday October 24, 2017 - 18:28:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo ku dhawaaqday in Axaadith-ta Nabiga صلى الله عليه وسلم laga faafreebayo Waxa loogu yeero Argagixisada! [Warbixin].

    Si aan horay loo arag xukuumadda Aala Sacuud ee kajirta dhulka Xarameynka ayaa ku dhaqaaqday tallaabooyin ka dhan ah muqadasaadka muslimiinta iyadoona si bareer ah ay wax uga bedelaysa axaaddiista Saxiixa ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si aan horay loo arag xukuumadda Aala Sacuud ee kajirta dhulka Xarameynka ayaa ku dhaqaaqday tallaabooyin ka dhan ah muqadasaadka muslimiinta iyadoona si bareer ah ay wax uga bedelaysa axaaddiista Saxiixa ah.



Waa tallaabo mar kale muujineysa kaalinta uu Maamulka Aala Sucuud kaga jiro dagaalka Caalamiga ah ee ka dhanka Diinta Islaamka, waana tallaabo kale oo ku biireysa falalka gurracan ee maamulkan ku dhaqaaqayo si uu u raalli geliyo madaxyaweynta Beesha Caalamka sida Mareykanka iyo reer Yurub.

Wareegto ka soo baxday Boqortooyada Aala Sucuud ayaa lagu sheegay in amar uu soo saaray Boqor Salmaan Bin C/CAziz ka dib la go’aamiyay in la dhiso Gole loogu magac daray "Majmaca Axaadiithta Nabawiga” kaas oo ay Culimo badan ka shaqeyn doonaan sidii Axaadiithta looga reebi lahaa kuwa beenta ah iyo Axaadiith-ta loo adeegsado sida ay hadalka u dhigeen 'falalka Argagixisanimo'.



Majmacan ayaa sameyn doona kala shaandheyn cusub, wuxuuna si gaar ah u beegsanayaa erayada adadag iyo kalimaadka qallafsan oo ay sheegayaan in Axaadiithta ay ku jiraan, hayeeshee isla arrinkan ayaaba ah khatar iyo ku dhiirasho Sunnada Nabigeena صلى الله عليه وسلم iyadoona taariikhda markii ugu horreysay la maqlayo Axaadiithta oo laga tifaftirayo Nusuusta 'Xagjirnimada taageereysa'.

Culimo badan oo Islaamka soo maray ayaa masuuliyad weyn iska saaray sidii ay u ilaalin lahaayeen Sunnada, waxaana ay dajiyeen Cilmi loo yaqaano " Musdhalax Alxadiith” si loo hubiyo Sanadka iyo Matniga Xadiithka, laakin maamulka Aala Sucuud wuxuu soo kordhinayaa Cilmi cusub oo isla Axaadiithta xittaa saxda ah loo suureynayo macno aan aheyn midka ay leedahay.

Sucuud Bin Cabdalla, oo ka mid ah masuuliyiinta Aala Sucuud ayaa u sheegay Wargeys dalkaasi ka soo baxa in ujeedka laga leeyahay majmacani uu yahay in la faafiyo fekerka dhex-dhexaadka ah ee ka horjeeda midka xagjirka ah, waxaana uu intaasi ku daray in majmacu uu ka shaqeyn doono sidii dhalinta Muslimiinta looga ilaalin lahaa waxyaabaha ku abuuri kara fekerka Xagjirnimo.

Arrinta uu doonayo maamulka Aala Sucuud ayaa abuurtay shaki weyn marka loo eego ulajeedooyinka laga leeyahay sameynta majmaca iyadoona dad badan ay is weydiiyeen waxa keenay in dib loogu laabto Axaadiith-ta Nabiga iyadoo hadafku yahay in laga hortago waxa ay gaalada reer galbeedka ugu yeereen Islaamka xagjirka ah!.

Dad badana ayaa qaba in tallaabadani ay tahay qar-iska xoor muuqda oo wajiga ka sii feydi kara maamulkan dabadhilifka ah ee ku habsaday dhulka aadka u barakeysan ee Makka iyo Madina, ayna ka go’an tahay inuu xagal daaciyo iftiinka Islaamka oo asalkiiba dhulkaasi ka soo billowday.

Waxaa la is dhihi karaa tallaabadii " Xiwaarul Adyaan” ama wadahadalka diimaha ee maamulkan uu daah furay iyo go’aannadiisa muuqda ee la xiriira garab istaagga Saliibiyada Caalamiga ah iney ugu filneyd ka furashada ALLAH iyo Rasuulkiisa iyo Diinta Islaamka, balse hadda oo arrintan cusub uu soo kordhiyay waa dhaqankii Mujrimiinta, waxaana maamulkan iyo kuwa la midka ah gooddis ugu filan in ALLAH uu yiri:

إنّا من المُجرمين مُنْتقِمون

Halkan ka akhri isha Warka

Related Items