Cadawga Kaliya Ee Soomaaliya leedahay Waa Al Shabaab Sidaa Waxaa Yiri Madaxweyne Farmaajo!

Wednesday October 25, 2017 - 11:35:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadawga Kaliya Ee Soomaaliya leedahay Waa Al Shabaab Sidaa Waxaa Yiri Madaxweyne Farmaajo!

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay socdaallo kaalma weydiisasha ah oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay qaar kamid ah wadamada dhaca Bariga qaaradda Afrika ee ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay socdaallo kaalma weydiisasha ah oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay qaar kamid ah wadamada dhaca Bariga qaaradda Afrika ee ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya.



Faraajo oo socodkiisi ugu dambeeyay cagta soo dhigay wadanka Jabuuti ayaa kulan laqaatay Madaxweynaha wadankaas ismaaciil Cumar Gelle, labada Nin ayaa ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Farmaajo oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay hal cadaw oo kaliya wuxuuna cadawgaas ku sheegay Al Shabaab, Hoggaamiyaha dowlada Federaalka kumanaanka ciidamada Xabashida itoobiya ee Soomaaliya qabsaday uma arko in ay cadaw ku yihiin dadka iyo dalka soomaaliyeed wuxuuna dalbanayaa in ciidamadaasi dhul hor leh qabsadaan.



"Soomaaliya maanta cadawga kaliya ee ay leedahay waa alshabaab, Sidaas darteed waxa aan idin ka filanynaa in aad nagala shaqaysaan in aan cadawgaas aan ka tir tirno guud ahaan dalka” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa khilaafsan xaqiiqda kajirta bariga Afrika ee ah cadaawadda soo jireenka ah ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya iyadoona dowladda Itoobiya ay muddo ku dhow qarni ay xoog ku heysato dhulka Somaligalbeed kadibna ay duullaan sharciyadda UN-ka loo geliyay ku qabsatay Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Ismaaciil Cumar Geelle oo isna ka hadlay shirka Jaraa’id ayaa sheegay in Jabuuti ay wax walba ku taageerayso Dowladda Federaalka ah iyo sidii looga adkaan lahaa wax uu ugu yeeray Argagaxiso.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowlada Jabuuti ay Farmaajo u sheegtay in ciidamo dheeri ah aysan udiri Karin Soomaaliya balse ciidamadeeda ka howlgalka gobolka Hiiraan ay sii joogi doonaan magaalooyinka ay ku suganyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items