Daawo Sawirro: Doorashooyinka Madaxtinimada Kenya Oo Si Gaabis Ah Ku Socda.

Thursday October 26, 2017 - 13:26:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Doorashooyinka Madaxtinimada Kenya Oo Si Gaabis Ah Ku Socda.

    Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn.


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto ayaa dadka ugu baaqay in ay codeeyaan ammaankana ilaaliyaan.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo isaga haray doorashada ku celiska ah ayaa ku baaqay in taageerayaashiisu aysan codaynin.

Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 August, laakiin waxba kama jiraan ayaa laga soo qaaday ka dib markii lagu helay "wax isdabomarino".

Goobaha codaynta ayaa albaabada loo furay 6:00



Askari kala nidaaminaya dadka codaynta u yimid
Booliiska oo isku dayaya in kala eryaan taageerayaasha Raila ee ku sugan xaafadda isku raranta ah ee KiberaLahaanshaha sawirka REUTERS

Booliiska oo isku dayaya in kala eryaan taageerayaasha Raila ee ku sugan xaafadda isku raranta ah ee Kibera

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.

Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.

Ku dhawaaqitaanka natiijadii doorashadii 8 Agoosto ee uu ku guulaystay Uhuru ayaa horseeday in la dhaliilo Guddiga Doorashooyinka ee Kenya.

Todobaadkii hore xubin sare oo Guddiga Doorashada ee Kenya ka tirsan ayaa u carartay Maraykanka ka dib markii ay la kulantay hanjabaad.

Taageerayaasha Mucaaradka NASA ayaa taayiro ku gubay xaafadda isku raranta ah ee Kibera iyagoo mudaaharaad dhigay 25kii OktoobarLahaanshaha sawirka GETTY IMAGES

Image captionTaageerayaasha Mucaaradka NASA ayaa taayiro ku gubay xaafadda isku raranta ah ee Kibera iyagoo mudaaharaad dhigay 25kii Oktoobar.

Xigasho: BBC

Related Items