Dhageyso: Maxkamadda islaamiga Wilaayada Jubbooyinka Oo Xukun Rajmi (Dhagax dil ah) Ku Fulisay Haweenay Zineysatay.

Thursday October 26, 2017 - 19:19:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Maxkamadda islaamiga Wilaayada Jubbooyinka Oo Xukun Rajmi (Dhagax dil ah) Ku Fulisay Haweenay Zineysatay.

    Boqolaal qof shacab ah ayaa usoo daawasha tagay fagaaraha weyn ee degmada Saakow gobolka Jubbada dhexe halkaas oo uu ka dhacay Xukun islaami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof shacab ah ayaa usoo daawasha tagay fagaaraha weyn ee degmada Saakow gobolka Jubbada dhexe halkaas oo uu ka dhacay Xukun islaami ah.

Maxkamadda islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukun Xaddu Rajmi ah (dhagax dil ah) ku fulisay haweenay fal zina ah ku dhacday iyadoo guur xalaal ah soo martay, Maxkamadda waxaa usoo dacwooday  Cali Ibraahim Cali oo qabay Haweenayda xukunka Rajimi ah lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq.

Xabiibo ayaa iyadoo xaas ah oo la qabo waxay guursatay Nin kale sidaas ayayna ku mutaysatay in ay dhagax lagu dilo fagaare kuyaal magaalada Saakoow ee Jubbada dhexe, kiiskan ayuu qaaddiga maxkamadda islaamiga ah faah faahin ka bixiyay.


Xabiibo Cali isxaaq oo uu qabay Cali Ibraahim Cali una dhashay 10 carruur ah islamarkaana deganeed degmada Salagle ayaa seygeeda u sheegtay in ay safar qaraaba salaan ah ku aadayso magaalada Muqdisho balse waxay usafartay deegaan hoos yimaad degmada Saakoow halkaas oo ay Nikaax baadil ah ku gashay ayna ku guursatay Nin kale.

Fagaaraha xukunka Rajmiga (dhagax dilka ah) ka dhacay waxaa ku sugnaa boqolaal qof oo markii xukunku dhacay takbiirsaday, Xarakada Al Shabaab ayaa ku dhaqanka shareecada islaamka kusoo rogtay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Qaadiga oo xukunka Ridaya MP3

Related Items