Carruur Ku Dhintay Raashin Sumeysan Oo Cuneen Duleedka Degmada Buula Burde Ee Gobolka Hiiraan.

Saturday October 28, 2017 - 07:36:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carruur Ku Dhintay Raashin Sumeysan Oo Cuneen Duleedka Degmada Buula Burde Ee Gobolka Hiiraan.

    Wararka laga helayo degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in deegaan dhaca duleedka degmadaasi ay ku sumoobeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in deegaan dhaca duleedka degmadaasi ay ku sumoobeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi.


Illaa iyo Shan ruux oo isku qoys ah kana mid ah dadka deegaanka Kalgubadle oo ah deegaan qayaastii 16-KM dhankaGalbeed kaga beegan dagmada Buulo-burte ayaa ku sumoobay Bur ay cuneen.

Dadkan oo ka kooban Shan ruux islamarkaana ah Aabo iyo Afar Caruur ah uu dhalay ayaa ku sumoobay Burka ay cuneen waxaana ugu dambeyntii Suntaasi u geeriyooday caruurta canugii ugu da'ada yaraa kaasi oo da'diise ay tahay Shan Jir.

Inta badan dadka reer miyiga ee isugu jira xoola dhaqatada iyo Beeraleyda ayaa kala fogeen ama kala ilaalin Raashiinka ay cunaan ama Weelasha raashiinka lagu cuno iyo Sunta ay ku dhayaan Xoolaha ama midda ay Beeraha ku buufiyaan ama midda ay u dhigaan kuna dilaan Dhurwaaga xoolaha laaya.

Related Items