Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dad Rayid Ah Ku Dilay Magaalada Marka Sh/hoose.

Saturday October 28, 2017 - 07:39:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dad Rayid Ah Ku Dilay Magaalada Marka Sh/hoose.

    Sida ay sheegeen dadka deegaanka Maleeshiyaad hubeysan oo katirsan Dowladda Federaalka ayaa dad shacab ah ku dilay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Maleeshiyaad hubeysan oo katirsan Dowladda Federaalka ayaa dad shacab ah ku dilay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose.

Xalay Fiidkii ayay maleeshiyaad ka yimid dhanka deegaanka Ceeljaalle waxay xaafadda Buula Jaan ku dileen laba wiil dhalinyara ah arrinkaas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in carruurta ladilay ay da’doodu aheyd 12 sana jir iyo 13 sana jir, maleesiyaadkii falka dilka ah geystay ayaa dib ugu laabtay dhanka saldhigga ciidamada AMISOM ee duleedka Magaalada Marka.

Rasaas xooggan ayaa xalay siyaaba kala duwan looga maqlay Marka oo bilihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaal beeleedyo, dilkan ka dhacay xaafadda Buula Jaan ayaan wax xiriir ah lalaheyn aanooyinkii muddooyinka dambe ka taagnaa magaalada balse waxaa xadgudub kale oo ay shacabka kula kacayaan maleeshiyaadka DF-ka ee saldhigga ku leh Ceel Jaalle.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items