Update: Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Culus Uga Jira Hotelka Naasa Hablood2 Ee Magaalada Muqdisho.

Saturday October 28, 2017 - 18:28:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Update: Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Culus Uga Jira Hotelka Naasa Hablood2 Ee Magaalada Muqdisho.

    Waxaa sii xoogeystay dagaal culus oo caawa Maqribkii ka bilaawday gudaha Hoteelka Naasa Hablood2 ee degmada Xamar Weyne islamarkaana kaabiga ku haaya dhismaha Madaxtooyada Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore weerarkii Ambaasadoor
Waxaa sii xoogeystay dagaal culus oo caawa Maqribkii ka bilaawday gudaha Hoteelka Naasa Hablood2 ee degmada Xamar Weyne islamarkaana kaabiga ku haaya dhismaha Madaxtooyada Villa Somalia.

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa xaqiijisay in ciidamo aad u hubeysan ay gudaha Hoteelka ka dagaallamayaan halkaas oo ay ku suganyihiin xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin katirsan DF-ka.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Ku hadasha ayaa sheegtay "Mujaahidiinta ayaa dagaal culus uga jiray gudaha Hoteelka Naasa Habood2 halkaas oo ay ku suganyihiin saraakiil katirsan Kooxda Ridada”.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in xilligii weerarku bilaabanayay ay xildhibaanno iyo saraakiil ku sugnaayeen gudaha Hoteelka balse lamana oga sida xaaladoodu tahay.


Hotelka Naasa Hablood2 waxaa milkiyaddiisa leh wasiirka amniga DF-ka Ninka lagu magacaabo Max’med Abuukar Isloow.

Weerarkan ka socda agagaarka Vila Somalia ayaa fashil ku ah qorshihii loogu magac daray ‘Xasilinta Caasimadda’ ee R/wasaare Kheyre uu ku dhawaaqay Afar bilood ka hor.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items