Taliyihii Booliska Degmada Dayniile iyo Xildhibaan Hore Oo Kamid Ah Mas'uuliyiinta Lagu Dilay Weerarkii Hotel Naasa Hablood2.

Saturday October 28, 2017 - 20:19:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Booliska Degmada Dayniile iyo Xildhibaan Hore Oo Kamid Ah Mas'uuliyiinta Lagu Dilay Weerarkii Hotel Naasa Hablood2.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerarkii aadka u ballaarnaa ee gabaldhicii maanta ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerarkii aadka u ballaarnaa ee gabaldhicii maanta ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Warar Hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof ay ku dhinteen weerarka badankoodna waa Saraakiil katirsan laamaha ammaanka dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin.

Taliyihii ciidanka Booliska degmada Dayniile Col.Max’med Yuusuf Fanax horayna usoo noqday taliyaha ammaanka degmada Yaaqshiid iyo Xildhibaan Hore Cabdi Naasir Gaarane ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii lagu daah furay weerarka Hoteel Naasa Hablood2.

Sidoo kale duqii hore ee Magaalada Beled Weyne Cabdi Faarax ayaa ku dhintay weerarka oo ka dhacay Hoteel uu milkiyaddiisa leeyahay Max’med Abuukar Isloow oo ah Wasiirka amniga dowladda Federaalka.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan xooggan oo imaanaya xilli maanta ay magaalada Muqdisho soo gaareen madaxda maamul goboleedyada kuwaasi oo lafilayo in berri ay shir layeeshaan Farmaajo.

la soco wixii soo kordha

Related Items