Ciidamada Al Shabaab Oo Wali Ka Dagaallamaya Gudaha Hotelka Naasa Hablood.

Saturday October 28, 2017 - 22:19:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Wali Ka Dagaallamaya Gudaha Hotelka Naasa Hablood.

    Dagaallo Culus ayaa wali ka socda Hoteelka Naasa Hablood2 oo maanta gelinkii dambe ay howgal xooggan ka bilaabeen ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo Culus ayaa wali ka socda Hoteelka Naasa Hablood2 oo maanta gelinkii dambe ay howgal xooggan ka bilaabeen ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab.

Jabaqda Rasaasta iyo qaraxyo loo malaynayo in ay ka dhasheen Bambanooyin ayaa laga maqlayaa gudaha Hoteelka xilligan oo saacaddu ay kasii siqeyso 10:30 waqtiga maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

Dagaalyahanno katirsan Xarakada SHM ayaa wali ka dagaallamaya Hotelka waxaana la sheegay in ay tooganayaan saraakiil katirsan DF-ka oo larumeysanyahay in ay ku go’doonsanyihiin gudaha Hoteelka.

Boqolaal katirsan ciidamada DF-ka oo wata Eeyo tababaran ayaa foodda geli la’ hoteelka oo rasaas xooggan ay kasoo dhacayso, warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarka uu gaarsiisanyahay 35 dhimasho ah waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyay Taliyihii Booliska degmada Dayniille, Xildhibaan Hore Cabdi Naasir Gaarane iyo Nin lataliye u ah wasaaradda amniga.


Hoteelka Weerarku ka socdo ee Naasa Hablood2 ayaa qiyaastii 600 oo Mitir ujira madaxtooyada Villa Somalia oo hoy u ah madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka sida Farmaajo iyo Kheyre
.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items