Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Lagu Dilay Weerarka Hoteel Naasa Hablood.

Saturday October 28, 2017 - 23:18:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Lagu Dilay Weerarka Hoteel Naasa Hablood.

    Khasaaraha ka dhashay weerarka wali ka socda Hoteelka Naasa Hablood2 ayaa sii xoogeystay, mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaaraha ka dhashay weerarka wali ka socda Hoteelka Naasa Hablood2 ayaa sii xoogeystay, mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarka.

Wasiirkii arrimaha gudaha Maamulka isku magacaabay ‘Koonfur Galbeed’ Madoobe Nuunoow iyo tiro katirsan saraakiisha maamulka Shariif Xasan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay toogashada ka socota Hoteelka.

Madoobe Nuunoow ayaa ahaa siyaasi Ruug caddaa ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Federaalka xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf ayuu noqday wasiirka Warfaafinta halka dowladdii Shariif Sheekh Axmed uu ka ahaa wasiirka Dastuurka.

Nuunoow oo ay isku dhowaayeen Shariif Xasan ayaa wada shaqeyn dhow lalahaa saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga gobollada Bay iyo Bakool.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items