Deg Deg: Weerarkii Al Shabaab Ee Hotelka Nasa Habkood Oo Sababay in Shaqada la Eryo Sanbaloolshe iyo Jeneraal Saacid.

Sunday October 29, 2017 - 15:30:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Weerarkii Al Shabaab Ee Hotelka Nasa Habkood Oo Sababay in Shaqada la Eryo Sanbaloolshe iyo Jeneraal Saacid.

    Kadib Kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay Saraakiisha Ugu sarraysa laamaha Ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay Saraakiisha Ugu sarraysa laamaha Ammaanka.

Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada ka Eryay C/llaahi Max'med Cali Sanbaloolshe oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda iyo Jeneraal Cabdi Xakiim Saacid oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Booliska.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Kheyre ayaa la sheegay in inta badan golaha wasiirrada ay soo jeediyeen in saraakiisha ammaanka isbedel lagu sameeyo kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Hotelka Naasa Hablood2.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in cadaadis dhan walba ah uu la kulmayo Max'med Abuukar Islaaw oo ah wasiirka ammaanka islamarkaana ah Milkiilaha Hoteelkii Xalay la weeraray, lataliyaasha R/wasaaraha ayaa soo jeediyay in wasiirka ammanka shaqada laga eryo maadaama uu ku guuleysan waayay baajinta weerarada kusoo noq noqanaya magaalada caasimadda ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items