Abuu Muscab "Hotellada Aad Isku Qarisaan iyo God Kasta Oo Aad Gashaan Baan Idiin Kaga Daba Imaan Doonaa" Dhageyso.

Sunday October 29, 2017 - 18:45:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 3
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab "Hotellada Aad Isku Qarisaan iyo God Kasta Oo Aad Gashaan Baan Idiin Kaga Daba Imaan Doonaa" Dhageyso.

    Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta Sh. Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerarkii inqimaasiga ahaa ee mujaahidiintu ku qaadeen Hotelka NaasaHablood-2 ee magaalada Muqdisho ee lagu laayey madaxda murtadiinta iyo saraakiisha Ashahaada la dirirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta Sh. Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerarkii inqimaasiga ahaa ee mujaahidiintu ku qaadeen Hotelka NaasaHablood-2 ee magaalada Muqdisho ee lagu laayey madaxda murtadiinta iyo saraakiisha Ashahaada la dirirka ee kooxda ridada Soomaaliya.


Sheykh Abuu Muscab ayaa sheegay in gelinkii dambe ee maalintii shaley ay ciidamada mujaahidiintu qaadeen weeraro abaabulan oo isxigxigay kuwaas oo lagu qaaday Hotelka NaasaHablood oo ah Hotel ay dagan yihiin madaxda murtadiinta oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Hotelkaas wuxuu ahaa goob ay dadka Ahlu-sharta ee murtadiinta ah oo dhan ay isugu tagaan, hadey yihiin xildhibaanada iyo sirdoonka, iyo siyaasiyiinta iyo noocyada kala duwan ee ciidankaba, waxayna ahayd goob ay u qaateen in ay ku nabadgalayaan oo ay isugu yimaadeen” ayuu yiri Abuu Muscab.



Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in 'mujaahidiintu' ay halkaas u arkeen in ay munaasab tahay in cadowga lagu beegsado si jug fiican loo gaarsiiyo, maadama uu halkaas isugu uruuray, ka dibna sahan dheer iyo diyaargarow ka dib ay mujaahidiintu u suuragashay in ay Hotelka beegsadaan maalintii shaley oo ahayd 08-da bisha Safar ee 1439.

"Weerarku wuxuu ku bilowday Camaliyad Istish-haadiya oo uu fuliyey walaal ka mid ah guutada Istish-haadiyiinta. geesigaas oo dhismaha inta badan dhulka la simay, ka dibna waxaa xigay camaliyad Inqimaasi ah oo mujaahidiintu ay ku galeen gudaha Hotelka. Intaas markii ay dhacday ka dib, Maleeshiyaat fara badan oo wata gawaarida tiknikada ah ayaa isku dayey in ay gurmad soo sameeyaan, iyagana Mujaahidiinta ayaa kamiin u dhigay oo qarax kale ayaa qabsaday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sheykh Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in kolonyada gurmadka ah ee lala eegtay qaraxa labaad ay goobta ku halaagsameen, islamarkaana uu qasaare culus soo gaaray, taas oo halyeeyada gudaha ku jiray u fududeysay in ay si sahlan howlgalkooda kaga sii wataan gudaha Hotelka, saacado badana heystaan dhismaha.

"Dagaalkaas ay Hotelka gudahiisa ku galeen mujaahidiinta Shaley 11-kii saac wuxuu soo gaaray ilaa saaka subixii aroortii hore, wuxuuna socday 13 saacadood oo xiriir ah. Markii cadowga la gaarsiiyey qasaare aad u fool xun oo dhimasho iyo dhaawac iyo hanti intaba isugu jirta ayey camaliyadu halkaas ku soo afjarantay” ayuu yiri Abuu Muscab.

Mar uu ka hadlayey khasaaraha dhimasho ee dowladda soo gaaray ayuu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 70 ka mid ah cadowga oo isugu jira siyaasiyiin, Saraakiil ashahaada la dirir ah iyo qeybaha kala duwan ee maleeshiyaatka murtadiinta, Wuxuuna tilmaamay in dhamaantood lagu laayey camaliyaadkii Istish-haadiga iyo weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday Hotelka.

Sheykh Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka inqimaasiga ah ee saacadaha badan qaatay ay fuliyeen kaliya laba halyeey oo inqimaasiyiin ah kuwaas oo muddo 13 saacadood ah halkaas kula dagaalamayey cadowga Alle.

"Dagaalkaas 13-ka saacadood soconayey ee Hotelkaas gudihiisa ka dhacayey laba Mujaahid oo kaliya ayey ahaayeen waxa sidaa cadowga u xasuuqay oo loo gali waayey 13-ka saacadood, labadaas mujaahidna halkaas ayey ku shahiideen markii dambe” ayuu yiri Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Afhayeenka Ciidanka Sh. Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale digniin kulul u jeediyey madaxda iyo saraakiisha murtadiinta, wuxuuna sheegay in carrada la soo buudhay jidadka iyo dhagxaanta la soo dhigay wadooyinka aysan joojin doonin weerarada mujaahidiinta, ayna cadowga kaga imaan doonaan meel uusan fileynin. "Hotellada Aad Isku Qarisaan Iyo God Kasta Oo Aad Gashaan Baan Idiin Kaga Daba Imaan Doonaa, Waxaana idiin furan kaliya in aad diintiina u soo noqotaan” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Abuu Muscab.

Halkan ka degso Shirka Jaraa'id ee Sheekh Abuu Muscab MP3.

Xigasho: Radioandalus24


Related Items