Weerar Hubaysan Oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan.

Monday October 30, 2017 - 10:44:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubaysan Oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan.

    Dagaallo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay HirShabelle.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa ayaa gudaha ugalay degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya, dagaallo culus ayaa agagaarka Buundada Buula Burde ku dhaxmaray ciidamada weerarka qaaday iyo Maleeshiyaadka Jabuuti.

Warar lagu lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay ciidamada huwanta ah kala wareegeen gacan ku heynta dhowr difaac oo kuyaal magaalada Buula Burde.



Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti ay xalay saqdii dhexe madaafiic ku garaaceen deegaanno howd ah oo dhacay duleedka magaalada Buula Burde.

Dhinaca kale dagaallo culus ayaa xalay ka dhacay saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad degmada Buula Burde ee gobolka Sh/Hoose.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaallada dib uga qarxay gobollada Soomaaliya ee wajahaya duullaanka ciidamada shisheeye ay dalka kusoo qaadeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items