Mareykanka Oo Qiray in Askar looga Dilay Diyaarada Kusoo Dhacday Wadanka Afghanistan.

Monday October 30, 2017 - 10:59:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Qiray in Askar looga Dilay Diyaarada Kusoo Dhacday Wadanka Afghanistan.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu kasoo gaaray ciidamo American ah diyaarad kusoo dhacday Koonfur Bari wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu kasoo gaaray ciidamo American ah diyaarad kusoo dhacday Koonfur Bari wadanka Afghanistan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay The Pentagon-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaarad nuuca Helicopter ah oo melleteriga Mareykanka ay ku howlgelayeen ay habeenkii Jimcaha kusoo dhacday gobolka Loogar ee dhaca Koonfur Bari wadanka Afghanistan islamarkaan lagu dilay Hal Askari 6 kalane ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Mareykanka waxay dafirtay in diyaaradda soo dhacday lala helay Gantaal ay rideen ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan "Diyaarad Helicopter ah oo si wadajir ah ay Ugu howlgelayeen ciidamadeena iyo kuwa Afghanistan ayaa soo dhacday hal askari ayaa dhaawac soo gaaray u dhintay 6 kalane waa dhaawacmeen, sababta diyaaraddu usoo dhacday ma aheyn mid kuyimid weerar cadawtooyo oo Talibaan ka yimidā€¯ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.


Bayaan kasoo baxay Sheekh Daabiixullaahi Mujaahid Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayuu ku sheegay in 43 askari oo isugu jiray Ciidamo Mareykan iyo Afghanistaaniyiin ah ay ku dileen diyaarad lagusoo riday Loogar.

Dhiig baxa ciidanka Mareykanka ee wadanka Afghanistan ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu Donald Trump ku dhawaaqay in uu bedelay ististiraatiijiyaddiisii dagaalka wadankaasi islamarkaana uu sedax kun askari dheeri ah u diray saaxada dagaalka Afghanistan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items