Cod: Al Shabaab Oo Jaasuus U Shaqeynayay Ciidamada AMISOM Ku Dishay Degmada Buq-Aqable Ee Gobolka Hiiraan.

Monday October 30, 2017 - 11:05:34 in Wararka by
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Cod: Al Shabaab Oo Jaasuus U Shaqeynayay Ciidamada AMISOM Ku Dishay Degmada Buq-Aqable Ee Gobolka Hiiraan.

    fagaare weyn oo kuyaal degmada Buq-aqable ee galbeedka gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Nin Jaasuus ah oo la shaqeynayay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

fagaare weyn oo kuyaal degmada Buq-aqable ee galbeedka gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Nin Jaasuus ah oo la shaqeynayay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.


Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku ridday Nin 51 sana jir ah oo lagu magacaabi Jiray Cali Axmed Caddow kana mid ahaa dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Eedaysanaha ayaa qirtay dhammaan dambiyadii lagusoo eedeeyay.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga Wilaayada Hiiraan oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka uu mutaystay Ninka Jaasuuska ah ayaa sheegay in Cali Axmed Caddoow uu u shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee saldhigga ku leh galbeedka magaalada Jalalaqsi.


Al Shabaab ayaa horay uga digtay in xiriir wada shaqeyneed lala yeesho ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan waxayna xarrakadu dhowr mar xukunno dil ah ku fulisay Jawaasiis u shaqeynayay dhammaan ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee dalka duullaanka ku jooga.

Halkan ka dhageyso Qaadiga oo Xukunka Aqrinaya MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items