Warar Sheegaya in Raggii Fuliyay Weerarkii Hoteel Naasa Hablood Ay Wateen Kaarar Aqoonsi Oo Ay Bixisay DF-ka [Warbixin].

Monday October 30, 2017 - 12:12:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Sheegaya in Raggii Fuliyay Weerarkii Hoteel Naasa Hablood Ay Wateen Kaarar Aqoonsi Oo Ay Bixisay DF-ka [Warbixin].

    Weerarkii Khasaaraha badan dhaliyay ee habeen hore ka dhacay Hoteel Kaabiga ku haaya Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa jiha wareer dhanka amniga ah ka dhax abuuray madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii Khasaaraha badan dhaliyay ee habeen hore ka dhacay Hoteel Kaabiga ku haaya Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa jiha wareer dhanka amniga ah ka dhax abuuray madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka.

Xasan Cali Kheyre oo ka carooday sida ay ku suurtagashay in weerar saraakiil badan lagu laayay uu ka dhaco meel ku dhow madaxtooyada ayaa xilalkii ay hayeen xayuubiyay taliyaashii Booliska iyo Nabad Sugidda.

Wasiirka ammaanka DF-ka ayaa sheegay in ammaanka caasimadda ay si aad ah u adkeeyeen islamarkaana waddooyinka waaweyn iyo Jid cadayaasha ku gooyeen dhaxgaan oo baaritaanno adag ay mariyaan dhammaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa mas’uuliyiinta sidaas oo ay tahay ay baajin waayeen weerarada Al Shabaab.


Marka lagasoo tago Khasaaraha nafeed ee uu dhaliyay Weerarkii Hotel Naasa Hablood2 waxaa kale oo uu abuuray kala shaki iyo is aaminaad la’aan soo kala dhaxgashay saraakiisha ammaanka.

Waxaa lays weydiiyay sida ay dagaalyahannadii Al Shabaab ee weerarka fuliyay ugu suurtagashay in ay ka gudbaan jidgooyooyinka adag ee ciidamada Nabad sugidda iyo kuw Booliska uyaal wadada muhiimka ah ee hor mata madaxtooyada.

Nin sarkaal ciidan ah oo darajadiisu tahay Korneel ayaa qaar kamid ah warbaahinta reer galbeedka u sheegay in saraakiil katirsan DF-ka ay fududeeyeen weerarka sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan oo magaciisa kusoo gaabiyay Col. Axmed Yare ayaa Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa magaalada London u shegay in ragga weeraray hotelka ay wateen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, sawirrada iyo darajadooda.

Sarkaalkan katirsan melleteriga DF-ka ayaa ku andacooday in weerarkii Hoteel Naasa Hablood2 qaabkii uu u dhacay shaki weyn uu dhalin karo wuxuuna isweydiiyay sida fudud ee raggii weerarka fuliyay ay uga gudbeen jidgooyooyinka adag isagoo xaqiijiyay in ay wateen Kaararka Nabad sugidda oo sax ah.

"Waxay haysteen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, darajooyinka iyo sawirrada,suurta gal uma ahayn sarkaal boolis ah inuu raggaasi is ho rtaago ama udiido in ay Hotelka galaan”ayuu yiri Axmed Yare.

Warar kale ayaa sheegaya in laxiray saraakiil katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka oo ku eedaysan dayacaad iyo in ay ka gaabiyeen ka hortagga weerarada.

Xarakada Al Shabaab ayaa la rumeysanyahay in dagaalka dhanka ammaanka ah ay uga sarrayso Dowladda Federaalka iyo xulufadeeda waxayna ciidamada xarakadu soo taabtaan meelaha ugu ad adag ee dhinacyada cadawga ah ku leeyihiin Muqdisho.

Xilliyadii ay Hoggaaminayeen DF-ka  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayay Xarakadu weeraro madax badan lagu dilay ka fulisay gudaha madaxtooyada Villa Somalia iyadoo sigtay madaxda  ugu sarreysa DF-ka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items