Ciidamada Al Shabaab Oo la Wareegay Deegaan Hoos Yimaad Magaalada Baraawe iyo AMISOM oo isaga Baxday.

Monday October 30, 2017 - 13:08:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo la Wareegay Deegaan Hoos Yimaad Magaalada Baraawe iyo AMISOM oo isaga Baxday.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaan hoos yimaad magaalada Baraawe ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaan hoos yimaad magaalada Baraawe ee Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa xaqiijinaya in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Rasadaay halkaas oo sanadadii lasoo dhaafay ay ku lahaayeen saldhigyo melleteri.

Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay dib ugu gurteen dhanka degmada Buula Mareer ee isla Sh/Hoose, Boqolaal katirsan ciidamada Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha ugaleen degaanka Rasdaay halkaas oo ay baaritaanno ka wadaan.

Deegaankan ay isaga firxadeen ciidamada AMISOM ayaa ah mid istiraatiiji ah wuxuuna kamid ahaa deegaanadii laga difaacayay magaalada Dekadda leh ee Baraawe.


Ciidamada dib ugurashada sameeyay waxay ka socdaan dowladda Uganda oo isbuucii lasoo dhaafay uu Farmaajo Hoggaamiyaha dowladda Federaalka uu ka codsaday in ay ka gacan siiso dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items