Daawo Video: Qoyska Maryama Cabdullaahi Oo Si Kulul Beeniyay in Gabadhoodu Aheyd Kirishtaan.

Monday October 30, 2017 - 19:16:46 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Qoyska Maryama Cabdullaahi Oo Si Kulul Beeniyay in Gabadhoodu Aheyd Kirishtaan.

    Koox sheegata in ay u Ololayso Kirishtaameynta dadka Soomaaliya ayaa faafisay war been abuur ah oo ka dhan ah gabdho ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox sheegata in ay u Ololayso Kirishtaameynta dadka Soomaaliya ayaa faafisay war been abuur ah oo ka dhan ah gabdho ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.



Magaca Maryan Cabdullaahi oo ahayd gabadh Soomaali ah oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay qaraxii Isgoyska Zoobe 14-kii Oct. 2017 ayaa aad u qabsaday canaawiinta hore ee warbaahinada gudaha iyo kuwa dibadda, Wuxuuna magaceeda ka soo dhex baxay in ka badan 300 oo ruux oo ku dhimatay qaraxaasi.

Gabadhan oo 22 jir ah ayaa isku diyaarineysay xaflad qalin jabin oo ay shahaado kaga qaadaneysay Kulliyadda caafimaadka ayaa lagu tilmaamay ‘Xidig soo baxeysay” oo hormuud u ahayd dhalinyarada Soomaaliyeed sid lagu sheegay warbixinada wargeysyada caalamka.


Magaca iyo muuqaalka gabadhan ayaa aad ugu faafay baraha Bulshada iyadoo lagu tilmaamayo Halyeeyada balse wuxuu qof waliba isweydiinayey sirta ka dambeysa in gabadhan mudnaanta ugu horreyso laga siiyo in ka badan 300 oo ruux oo Soomaali ah oo ku dhimatay qaraxaasi, warbaahinta reergalbeedka ayaa isku dayaysay in ay ishaacaad aan sal iyo raad laheyn ka faafiso dhowr qof oo ku dhintay qaraxii Zoobe oo ay ku darsadeen liiska dadka gaaloobay ee Soomaalida ah .

Kooxo Soomaali kirishtaan ah ayaa ka been sheegay xaaladda gabadhaas iyagoo sheegay in ay aheyd Kirishtaan arrinkaas oo dad badan ay la yaabeen.

Blog ay leeyihiin Soomaalida gaaloowday ee isku magacaabay "Soomaalida Kirishtanka ah” ayaa shaaca ka qaaday dhowr qof ay kaga dhinteen qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho tiro kalena kaga dhaawacmeen.

Warbixin lagu soo daabacay Website ay leeyihiin ‘Soomaalida Kirishtanka’ ah ayaa lagu sheegay in Maryan Cabdullaahi oo ahayd gabadh 22 jir ah oo ka qalin Jabineysay Kuliyadda Caafimaadka ay ka mid ahayd dhowr qof oo kaga geeriyootay qaraxaasi.

Kooxdan Maryamo kaliya kama been sheegine waxay soo qoreen dhowr iyo toban qof muslimiin ah oo ay Kirishtaan ku sheegayaan waxaana kamid ah gabar lagu magacaabo Fardowsa.

Ehelka Maryama Cabdullaahi ayaa beeniyay beenta laga faafiyay gabadhooda waxayna sheegeen in waligood ay ahaayeen muslimiin ayna ku dhiman doonaan insha'allaah, aabaha iyo hooyada dhashay Maryama ayaa si kulul ubeeniyay warka kasoo baxay Soomaalida Kirishtaanka ee wararka beenta ah ku faafiyay baraha Internetka.

Arrintan ayaa kooxaha aadka uritada yar ee Soomaalida ah ku riixaysa dhaqaale doonimo iyo hunguri ay uga raadsanayaan Kaniisadaha Nasaarada caalamka, waxaa xusid mudan in marwalba oo dad lagu dilo Soomaaliya ay kooxdani sheegato in ay ahaayeen gaalo iyaga katirsan.


Hoos Ka Daawo Waalidka Maryama oo Beeninaya ishaacaadka ay soomaalida gaaloowday faafiyeen



 

Related Items