Farmaajo "Al Shabaab lagama Adkaan Karo Oo Waa Dad Caqiiddo Ku Dagaallamaya" Daawo.

Tuesday October 31, 2017 - 11:25:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo "Al Shabaab lagama Adkaan Karo Oo Waa Dad Caqiiddo Ku Dagaallamaya" Daawo.

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka xeeladeystay dagaalkii uu isbuuc ka hor ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Federaalka Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka xeeladeystay dagaalkii uu isbuuc ka hor ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab.

Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka uga furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii uu dhawaan ku iclaamiyay xarakada Al Shabaab uusan aheyn mid cusub balse uu ahaa dagaal muddo toban sanadood ah socday.

Farmaajo oo u muuqday in uu ka xeeladeysanayo ka dhabaynta wixii uu horay uballan qaaday ayaa yiri "Aniga dagaal waa iclaamiyay laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira, dad badan ayaan ogeyn in dalka uu dagaal ku jiro”.


Wuxuu ka afeef dhiganayay in dagaalkaas uu guuleysan karo ama uu bilaaban karo waqti dhow balse waxaa lays weydiinayaa halka uu ku dambeeyay dagaalkii lagusoo gaba gabeynayay Al Shabaab ee Farmaajo sheegay in uu ka hoggaamin doono degmada Afgooye.

Dhinaca kale Hoggaamiyaha Dowlada Federaalka ayaa walaac ka muujiyay in taageero wanaagsan oo dhanka melleteriga ah uusan ka heli doonin dowladaha Itoobiya iyo Uganda oo isbuucii lasoo dhaafay uu booqasho kaalma weydiisasho ah ku tagay.

"dowladahii aan dhowaan soo booqday ee aan taageerada weydiistay waxay dhaheen annagu waa idin taageeraynaa ee idinku diyaar ma utihiin in aad dalkiina u dhimataan? oo ma nooga hormaraysiin dagaallada sidaas ayay nagu dhaheen” ayuu yiri Farmaajo.

Mar uu soo hadal qaaday awoodda xarakada Al Shabaab ayuu sheegay in laga adkaan waaye isagoo taas u sababeen ciidamada Al Shabaab oo ku dhimanayo caqiiddo ah oo  in ay Janno gelayaan.

"Al Shabaab waxay leeyihiin Caqiiddo adag oo haddii ay dhintaan in ay Janno gelayaan ayay aaminsanyihiin anaguna ciidankeena mabarin ciiqadada Wadaniyadda” ayuu markale yiri Farmaajo.

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka oo khudbaddiisu u muuqatay dhab ka hadal ayaa ka dayriyay inta ay sii jiri karto taageerada ay dowladdiisu ka hesho waxa loogu yeero beesha caalamka iyo ciidamada AMISOM wuxuuna sheegay in caalamku uusan sii wadi Karin bixinta dhaqaalaha ay siiyaan ciidamada shisheeye.

"AMISOM sanad walba Billions dollars ayay beesha caalamku ku taageertaa, xaqiiqda ayaa ah siima wadi karaan taageerada ay nagu siiyaan ladagaallanka Alshabaab oo hadda ayay qaati ka taaganyihiin qarashka ay bixiyaan, waxaana dhici doonta in AMISOM naga baxdo oo alshabaab iyo anaga ayaa isku hari doono ee maxaa noo tala ah" ayuu Farmaajo weydiiyay hoggaamiyaashii uu la hadlayay.

Marka si qota dheer loo dhuuxo warka Farmaajo ayaa umuuqday in fud fudeydkii uu siyaasadda kusoo galay iyo waxa kajira dalka ay kala fogyihiin wuxuuna bilaabay in uu runta u sheego dadka maamulkiisa ku eedaynaya waxqabad la’aanta.

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbadda Farmaajo


Related Items