Diyaarado Dagaal Oo 14 Qof Shacab Ah Ku Dilay Bariga Liibiya.

Tuesday October 31, 2017 - 19:00:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Dagaal Oo 14 Qof Shacab Ah Ku Dilay Bariga Liibiya.

    Tobaneeyo qof shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo Cadawtooyo oo diyaaradaha dagaalka xukuumadda Alsiisi ay ka geysteen Bariga Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo Cadawtooyo oo diyaaradaha dagaalka xukuumadda Alsiisi ay ka geysteen Bariga Liibiya.

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in diyaaraddaha cadawga ay markale xasuuq daran ka geysteen magaalada Darnah ee dhacda Bariga wadankaasi.

Ugu yaraan 14 qof oo isugu jira carruur iyo haween ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xaafado katirsan Darnah kadib markii diyaaradaha melleteriga masar ay duqeymo ba’an ka geysteen magaalada.

Guddiga caafimaadka magaalada Darna ayaa warbaahinta u sheegay in gantaallada ay tuurayeen diyaaradaha nuuca F16-ka loo yaqaan ay haleeleen guryo dad shacab ah deganyihiin.


Duqeymaha qaar ayaa dhulka lasimay guryo dhowr dabaq ka kooban waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimasho ee duqeymaha ka dhashay uu sii kordho sababa la xiriira Meydad iyo dhaawacyo ku hoos xaniban burburka hoostiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyada 25 qof oo qaarkood xaaladoodu liidato loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada Darnah.

Saraakiil ku sugan Liibiya ayaa sheegay in diyaaradahan ay kasoo haadeen saldhig melleteri oo ciidanka cirka xukuumadda dabadhilifka Masar ay ku leedahay deegaan ku dhow xuduud beenaadka ay labada dal wadaagaan.

Diyaaradaha dagaalka dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Masar ayaa qeyb ka ah isbahaysiga ashahaadda ladirirka ah ee uu hoggaamiyo Jeneraalka dhiigya cabka ah Khaliifa Xiftar kuwaas oo Liibiya ka wada dagaal ka dhan ah islaamka iyo muslimiinta muddo afar sano iyo lix bilood ah.

Dhinaca kale Taliska melleteriga Dowladda Cabdi Fataax alsiisi ayaa xaqiijiyay in ay burburiyeen 6 gaari oo marayay xuduud beenaadka ay wadaagaan Liibiya iyo Masar, waxaa loo malaynayaa in gaadiidka laburburiyay ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo kusii jeeday xeebaha kala qeybiya Liibiya iyo Talyaaniga

Related Items