Farmaajo: Shabaab Ciidankoodu Waxay Beereen Caqiidada Diinta, Annaguna Waa In Aan Ciidankeena Ku Beernaa Wadaniyadda [Dhageyso Warbixin].

Tuesday October 31, 2017 - 20:00:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo: Shabaab Ciidankoodu Waxay Beereen Caqiidada Diinta, Annaguna Waa In Aan Ciidankeena Ku Beernaa Wadaniyadda [Dhageyso Warbixin].

    Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya ee shisheeye la shaqeeyay ayaa jeediyay Khudbado banaanka soo dhigayo fashilka ay dhax dabaalanayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya ee shisheeye la shaqeeyay ayaa jeediyay Khudbado banaanka soo dhigayo fashilka ay dhax dabaalanayaan.

Axmed Madoobe Hoggaamiyaha maamulka ‘Jubbaland’, Cabdi Wali Gaas hoggaamiyaha ‘Puntland’ iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isku raacay in dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ay heystaan caqiiqddo sugan oo ku riixaysa in ay dagaalka sii wadaan ayna muddo dheer la hardamaan ciidamada shisheeye iyo kuwa soomaalida dabadhilifyada ah.

Hoggaamiyaashan ayaa tusaale usoo qaatay sida xirfadaysan ee Al Shabaab uga dagaallamayaan dhammaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyagoo wajahaya ciidamo Tobanaan kun ah oo ka socda ugu yaraan 5 dowladood Afrikaan ah.


Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Max'med Cabdullaahi ayaa isku waafaqay in madaxda dowladda aysan lug ugu safri karin magaalooyin ay kamid yihiin Jowhar,Marka iyo Baydhabo islamarkaana ay waxbadan ka barteen dagaalka ku dhufo ka dhaqaaqa ah.

Farmaajo oo ah hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa isna sheegay in Al Shabaab laloodi la'yahay sababa laxiriira iyagoo u dhimanayo janno iyo shahaaddo wuxuuna xaqiijiyay in ciidamadoodu aysan haysan wax caqiidda ah oo ay u dhintaan.

Halkan ka dhageyso Warbixin Idaacadda Andalus ka diyaarisay khudabadihii madaxda maamullada MP3

Related Items