Warbixin: Mareykanka oo 60 Milyan Dollar Ku Bixinaya la dagaallanka Jihaadiyiinta Galbeedka Afrika.

Tuesday October 31, 2017 - 20:16:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Mareykanka oo 60 Milyan Dollar Ku Bixinaya la dagaallanka Jihaadiyiinta Galbeedka Afrika.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaad 60 milyan oo dollarka Mareykanka ah u balan qaadday ciidamada loo yaqaano G5 oo ah ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan uu sameeyey Faransiiska si ay u xoojiyaan ololihiisa la dagaalanka Islaamka iyo muslimiinta ee ka s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Qaacidda ayaa ku xooggan wadanka Mali
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaad 60 milyan oo dollarka Mareykanka ah u balan qaadday ciidamada loo yaqaano G5 oo ah ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan uu sameeyey Faransiiska si ay u xoojiyaan ololihiisa la dagaalanka Islaamka iyo muslimiinta ee ka socda ee galbeedka Africa.


G5 waa ciidamo isbaheysi ah oo ka socda wadamada shanta ah ee galbeedka Africa oo kala ah Mali, Muritaniya, Burkina Faso, Niger iyo Chad, waxaana lagu dhawaaqay horraantii bishii July ee sanadkan kadib kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowladahan iyo madaxweynaha dalka Faransiiska Emanual Macron.

Ciidamadan waxay ka koobnaan doonaan ugu yaraan 5,000 oo askari oo ka soo kala jeeda wadamadan shanta ah ee la isku yiraahdo Saaxilka, Waxaana ujeedkooda ugu weyn uu noqon doonaa ka hortagga kacdoonka jihaadiga ah ee ka hana qaaday galbeedka Africa, kuna sii faafayo Mandiqadda oo idil.



Dowladda Faransiiska ayaa aaminsan in kobaca Jihaadka galbeedka Africa ee sanadihii ugu dambeeyey hananayey guulaha iyo midnimada uu halis ku yahay danahooda iyo masaalixda muwaadiniintooda ee gobolka sida ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha la socda arrimaha galbeedka Africa.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in saaxiibadooda Faransiiska ay ku garab taagan yihiin la dagaalanka waxa ay ugu yeereen "Argigixisadaā€¯ waxayna isbaheysigaas cusub ugu yabooheen lacag gaareysa ku dhawaad 60 milyan oo dollarka ah Mareykanka ah.

Inkastoo Mareykanka uu balan qaaday 60 milyan oo dollar hadana dad badan waxay tilmaamayaan in taageerada Mareykanka uu u fidiyey isbaheysigaas uu yahay mid aad kaga yar dacmigii ay filaneysay Faransa iyo dowladaha Saaxiibadeeda ah kuwaas oo filayey in Mareykanka uu taageeri doono maalgelin toos ah oo isbaheysigan uu ka heli doono QM.

Related Items