Askari Itoobiyaan Ah Oo Sarkaal Ku Dilay Degmada Diinsoor Kadibna Gaari Taangi Ah la goostay [Warbixin].

Wednesday November 01, 2017 - 11:32:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Itoobiyaan Ah Oo Sarkaal Ku Dilay Degmada Diinsoor Kadibna Gaari Taangi Ah la goostay [Warbixin].

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in khilaaf u dhaxeeyo saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya uu kajiro degmada Diinsoor oo qiyaastii 120KM ujirta magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in khilaaf u dhaxeeyo saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya uu kajiro degmada Diinsoor oo qiyaastii 120KM ujirta magaalada Baydhabo.



Sida ay wararku nagusoo gaarayaan askari Itoobiyaan ah ayaa xalay fiidkii wuxuu toogasho ka geystay isku imaatin ay saraakiil melleteri ku lahaayeen saldhig kuyaal garoonka diyaaradaha Diinsoor.

Toogashada waxaa ku dhintay sarkaal sare oo Itoobiyaan ah halka 4 kale ay ku dhaawacmeen, Askarigii toogashada geystay ayaa ku booday gaari taangi ah oo xerada yiillay waxaana usuurtagashay in uu u baxsado dhanka degmada Qansaxdheere.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in askariga Taangiga la baxsaday uu duleedka Ufuroow dad shacab ah ku dhaawacay isagoo mooto iyo dad socota ah taangiga jiirsiiyay.



Saacado kadib 6 gaari oo ka baxay Diinsoor ayaa dabagalay askariga baxsadka ah sidoo kale ciidamo Itoobiyaan ah ayaa kasoo baxay degmada Qansaxdheere.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in askarigii baxsadka ahaa ee Taangiga watay isku dilay meel ku dhow degmada Qansaxdheere kadib markii uu ogaaday in gacanta lagu dhigayo.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in ciidamadii Diinsoor ka dhaqaaqay iyo ciidamo Qansaxdheere kasoo baxay oo labaduba Itoobiyaan ah ay dhaxdooda dagaallameen, dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqleen rasaas xooggan balse lama oga in rasaastaas lays dhaafsanayay iyo in ay aheyd mid hal dhinac kasoo dhacaysa.

Shacabka tirada yar ee ku nool degmada Diinsoor ayaa saaka isugu bishaareeyay in Xabashidu ay magaaladooda ka baxayaan halka Maleeshiyaadka Soomaalida ah ay baqa carar isku diyaariyeen balse maanta barqadii ayaa la ogaaday in wax bixitaan ah aysan jirin  oo itoobiyaanka dhaxdooda ay ka dhax tafantahay.

Lama oga sababta keentay in askariga itoobiyaanka ah uu saaxiibadiis rasaaseeyo balse waxaa bilihii dambe jiray khilaaf u dhaxeeyay saraakiisha melleteriga Itoobiya oo ku aaddan sii joogista magaalada hareeraysan ee Diinsoor oo tan iyo sanaddii 2015 ay itoobiyaanku ku dhibaateysanyihiin kadib markii ay Al Shabaab jartay dhammaan waddooyinka magaalada soo gala arrinkaas oo Itoobiyaanka ku qasbay in badanaa isku gudbinta saadka ciidamadooda ay u isticmaalaan dhanka Hawada waloow marmarka qaar ay waddooyinka awood xad dhaaf ah u isugu geeyaan oo ay Raashinka ku gudbistaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomalimeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items