Weerar Gaadiid Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleeda Magaalada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.

Wednesday November 01, 2017 - 19:28:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaadiid Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleeda Magaalada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.

    Khasaara ayaa ka dhashay weerar hor leh oo xoogag katirsan Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Bay ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara ayaa ka dhashay weerar hor leh oo xoogag katirsan Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Bay ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ayaa sheegaya in weera dhabagal ah lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan maamulka ‘Koonfur Galbeed’ kuwaas oo kusii jeeday magaalada Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu gubay laba gaari nuuca NOHA-da loo yaqaan  oo ay wateen ciidamada la weeraray, isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la geeyay ciidamo ku dhaawacmay weerarkii maanta ka dhacay duleedka Buurhakaba.


Ciidamada Al Shabaab ee weerarka fuliyay ayaa dib uga gurtay goobtii lagu dagaallamay iyagoo bad qaba sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items