Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Dad Maxkamad Islaami Ah Cadaalad Uraadsaday Ku Dilay Sh/dhexe.

Thursday November 02, 2017 - 15:34:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Dad Maxkamad Islaami Ah Cadaalad Uraadsaday Ku Dilay Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay dad shacab ah ku dileen deegaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay dad shacab ah ku dileen deegaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.


Maanta barqadii ayuu askari hubeysan wuxuu deegaanka Miirtaqwo ku toogtay hooyo iyo gabadheeda waxaana isla goobta ku dhintay hooyada oo magaceeda lagusoo gaabiyay Faadumo, dadka deegaanka ayaa sheegay in qof kale oo haween ah uu dhaac culus kasoo gaaray rasaasta uu askarigu furay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweenayda ladilay iyo gabadheeda uu murun dhuleed kala dhaxeeyay qoys kale oo Reer Miirtaqwa ah, balse darafka kale ee dhulka ku doodayay ayaa lacago laaluush ah siiyay askarta DF-ka ee ku sugan Miirtaqwo kadibna hooyada ladilay iyo gabadheeda ayaa go’aansaday in cadaalad udoontaan maxkamad islaami ah arrinkaas oo ka caraysiisay askarta DF-ka kadibna toogtay dadkii shareeca doonka ahaa.



Mid kamida waxgaradka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadan murugada leh ay xiisad ka dhax dhalisay shacabka iyo maleeshiyaadka kaba qaadka u ah ciidamada AMISOM "Haweenayda ladilay iyo gabadheeda ladhawaawacay waxay ku qanci waayeen cadaalad darrada meesha taal kadib maamulka islaamka ayaan aadeynaa ayay dhaheen taas ayaa keentay iyo kuwa dowlad ku sheegta ah ay toogtaan” sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah.

Dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ee ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye iyo DF-ka dadka ku dhaqan waxay cadaaladda u raadsadaan maamullada islaamiga ah, iyagoo aan ku qanacsanayn maamullada laaluush-ka iyo xeerarka wax ku kala saara.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka degmada Mahadaay ugu magacaaban DF-ka oo ku aaddan xadgudubka ay ciidamadiisu ka geysteen deegaanka Miirtaqwo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items