Dagaal Gaadiid looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Marka.

Thursday November 02, 2017 - 15:43:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Gaadiid looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Marka.

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose dagaallo culus ayaa markale ku dhaxmaray ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo xoogag katirsan Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Tusaale ah
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose dagaallo culus ayaa markale ku dhaxmaray ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo xoogag katirsan Al Shabaab.


Maanta duhurkii ayuu dagaal culus ka qarxay deegaanka NO.60 ee duleedka magaalada Marka, dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogag Al Shabaab ay weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyo katirsan ciidamada AMISOM oo wadada laamiga ah ku socdaalayay.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in laba gaari oo ay wateen ciidamada shisheeye lagu gubay dagaalka, goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen gaadiid gubaya oo wadada hareer yaal.


Sidoo kale dadka deegaanka ayaa lagasoo xigtay in ay maqleen jugta madaafiicda iyo qaraxyo loo malaynayo in ciidamada Al Shabaab ay ku beegsanayeen ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items