Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceelbarde.

Saturday November 04, 2017 - 08:48:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceelbarde.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen deegaan hoos yimaad degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen deegaan hoos yimaad degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 Askari lagu dilay weerar dhabagal ah oo ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Tiknika ah laga gubay Maleeshiyaad Itoobiya tababartay oo kasoo amba baxay Ceebarde kunasii jeeday degmada Xudur.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in weerar Bambaano lagu dilay mid kamida ciidamada Booliska maamulka degmada oo xilligaas gaadiidka dadweynaha lacago baad ah ka qaadanayay, sidoo kale weerar hubaysan oo k dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa lagu dilay Askari boolis ah sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items