Ciidamo Huwan Ah Oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Weyn Oo Dhacda Bariga Dalka Suuriya.

Saturday November 04, 2017 - 10:28:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Huwan Ah Oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Weyn Oo Dhacda Bariga Dalka Suuriya.

    Dowladda Dabadhilifka Suuriya ayaa si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta inta badan gobolka Deyruzuur ee dhaca waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Dabadhilifka Suuriya ayaa si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta inta badan gobolka Deyruzuur ee dhaca waqooyiga wadankaasi.

Sida ay sheegeen Ragga soo tabiya dagaalka Suuriya isbedel dhanka maamulka ah ayaa ka xasilay Bariga wadanka Suuriya oo sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ay maamulayeen xoogag islaami ah oo ka faa'iideystay kacdoonkii ka dhanka ahaa Nidaamka Faasidka ah ee Bishaar Al-asad madaxda ka yahay.

Kadib isbuucyo ay ciidamada cirka iyo kuwa lugta Ruushka ay si toos ah uga qeyb qaadanayeen dagaalka Deyruzuur ayay ugu dambeyntii maalintii shalay waxay dhinacyada huwanta ah si buuxda ula wareegeen magaladan istiraatiijiga ah ee xiriirisa waqooyiga, iyo bartamaha wadanka Suuriya.

دير الزور
Wakaaladda wararka Afka dowladda Suuriya ku hadasha ayaa xaqiijisay in Deyruzuur ay ciidanka melleteriga ugacan gashay iyadoo sheegtay in laga qabsaday wax ay ugu yeertay Argagaxiso oo ay ula jeedo xoogaga dowladda islaamiga ah oo magaalada maamulayay tan iyo sanaddii 2014.

Guddiga Xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigiisu yahay magaalada London ayaa sheegay in Maleeshiyaadka shiicada ee caawinaya ciidamada Nidaamka ay Xasuuq wadareed ugeysteen dad shacab ah xilli ay isaga barakaceen magaalada, ciidamada dowladda Suuriya oo ubadan maleeshiyaad katirsan Aqaliyadda Nuseyriyada iyo shiico ka timid wadanka iiraan iyo Lubnaan ayaa laga cabsi qabaa in ay gummaad aargoosi ah ugeystaan dadka muslimiinta ah ee kunool gobollada dhaca Bariga Suuriya.

isbuucyo ka hor ayay ciidamo huwan ah oo cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka isbaheysiga Mareykanka waxay qabsadeen magaalada Raqqa iyo dhammaan Ceelasha shidaalka soo saara ee Bariga Suuriya dhaca waxaana kamid ah Ceelka Alcumar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items