Digniin Cusub: Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Si degdeg Ah Ay Uga Baxaan Muqdisho.

Saturday November 04, 2017 - 15:00:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Cusub: Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Si degdeg Ah Ay Uga Baxaan Muqdisho.

    Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay in xaalad ammaan darro oo kajirta magaalada Muqdisho ay halis gelin karto ammaanka muwaadiniinteeda waxayna soo saartay digniin hor leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay in xaalad ammaan darro oo kajirta magaalada Muqdisho ay halis gelin karto ammaanka muwaadiniinteeda waxayna soo saartay digniin hor leh.


War qoraal oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu amray dhammaan Shaqaalaha Mareykanka ee aan muhiimka ahayn in ay kasoo baxaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sababo la xiriira  cabsi aan la shaacin balse ku meeraysanaysa dhanka ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay sheegtay in ay Warbixinta ku xiriirsan tahay Garoonka Diyaaradaha ee caalamiga  magaaladda Muqdisho.

Dowladda Mareykanka wax safaarad ah kuma laheyn Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadii 1991 balse shaqaalaha Mareykanka ayaa ka howlgala xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha halkaas oo ay ka abaabulaan duullaanada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyo shacabka muslimiinta ee kunool wilaayaatka islaamiga ah.


Weerar bishii October bartamaheedi ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lala rabay garoonka diyaaradaha ama saldhigga Turkiga arrinkaas oo baqdin dheeri ah ku reebtay Mareykanka iyo xulufadiisa sida tooska ah ugu lugta leh dagaalka Soomaaliya.

Ugu yaraan 35 qof oo ubadnaa saraakiil iyo siyaasiyiin katirsan DF-ka ayaa ku dhintay weerar 28,October 2017 ay xarakada Al Shabaab ka fulisay Hotelka Naasa Hablood2 oo kaabiga ku haaya madaxtooyada Villa Somalia.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay waxaana shaqeyn waayay dadaallo ay xukuumadda Kheyre ku doonaysay in ay ammaanka ku sugto.

Related Items