Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Mahadaay.

Sunday November 05, 2017 - 10:13:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Mahadaay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka shalay gelinkii dambe ayay xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Cali Fooldheere iyo Biya Cadde.

Weerarka oo aha mid gaadma ah waxaa lagu dilay 2 askari oo melleteriga katirsan iyadoona xoogaga Al Shabaab ay horay usii qaateen qori AK47 oo uu watay mid kamida ciidamada ladilay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahanada Al Shabaab ay kaxaysteen mooto sedax lugooleey ah oo ay wateen ciidamada weerarka lagu dilay.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo katirsan DF-ka lagu dilo weerar ka dhacay deegaanada dhanka Waqooyi uga beegan degmada Mahadaay.

Related Items