Akhriso: Midowga Afrika Oo Bilaabaya Qorshihii AMISOM Uga Bixi Laheyd Soomaaliya.

Sunday November 05, 2017 - 10:38:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Midowga Afrika Oo Bilaabaya Qorshihii AMISOM Uga Bixi Laheyd Soomaaliya.

    Hoggaanka Ururka Midowga Afrika uqaabilsan maamullidda duullaanka lagu qaaday dalka Soomaaliya ayaa soo saaray war cusub oo ku saabsan joogitaanka ciidamada shisheeyaha AMISOM xilligan kala guurka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Ururka Midowga Afrika uqaabilsan maamullidda duullaanka lagu qaaday dalka Soomaaliya ayaa soo saaray war cusub oo ku saabsan joogitaanka ciidamada shisheeyaha AMISOM xilligan kala guurka ah.

Francisco Caetano Madeira oo ah Ergayga Ururka AU uqaabilsan Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in AMISOM ay dhaqan gelin doonto qaraar horay ugasoo baxay Q.Midoobe oo ku baaqayay in la bilaabo qorshaha Soomaaliya looga saarayo ciidamada Ajaanibta ah.

Madeira ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in ciidamadoodu ay wadaan dhaq dhaqaaq ay ammaanka magaalooyinka qaar ugu wareejinayaan ciidamada DF-ka Federaalka Soomaaliya oo uu u sheegay ciidan soo kabanaya.


"Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas’uuliyada ammaanka dalka Soomaaliy” ayuu yiri Madeira.

inkastoo Hoggaanka Midowga Afrika ay sheegeen in ciidamo badan Itoobiyaan ah xadka kasoo gudbeen ayaysan jirin dhaq dhaqaaq lataaban karo oo Xabashida Itoobiya waddo balse  waxaa dhici karta in cadowga uu damacsanyahay in Xabashida marmarsiiyo usiiyo sii haysashada dalka iyadoo loo geliyay shaatiga UN-ka.

Midowga Afrika wuxuu sheegay in isbuucyada soo socda ay bilaabayaan dhaq dhaqaaqyo melleteri oo maleeshiyaadka DF-ka fursad loogu siinayo in ay la wareegan ammaanka magaalooyin laga yaabo in AMISOM isaga baxdo.

Francisco Caetano Madeira oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegaya in Ururka AU uu dhaqan gelinayo xeerkii Q.Midoobe ee Lambarkiisu ahaa 2372 kaasi oo farayay in sanadda ( 2017) ay AMISOM bilaawdo ka bixitaan tartiib tartiib ah islamarkaana ay diyaariso ciidamo soomaali ah.

"Waa inaan ugu hambalyeynaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay inay xoogooda isugu geeyaan sidii ay u dhamaysan lahaayeen tababarka ayna u xaqiijin lahaayeen inay la wareegaan mas’uuliyada ammaanka deegaanada ay nabadeeyeen ciidamada AMISOM” ayaa lagu yiri warka AU.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ciidamada Afrikaanta ah ay isaga bixi doonaan magaalooyin balse ka hor ay sameyn doonaan falal arbushaad ah oo maleeshiyaad Soomaali ah ay ku geynayaan magaalooyinkaas balse aysan xilligan awoodin duullaan hor leh.

Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka Farmaajo ayaa maalmo ka hor sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa AMISOM aysan ka adkaan Karin Xarakada Al Shabaab.

Halkan ka akhrri warka kasoo baxay AMISOM

Related Items