Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'ay Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Sunday November 05, 2017 - 12:06:44 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'ay Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

    Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka da'ay Roob xooggan oo muddo socday kaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka da'ay Roob xooggan oo muddo socday kaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.


Gugaca Roobka ayaa si weyn looga wada maqlayay Xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo dhaca duleedka magaalada caasimadda ee Muqdisho waana Roob siweyn loo wada sugayay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay Kuleyl daran balse saaka Jawiga magaalada waa mid Qabow ah waxaana wadooyinka qaar fadhiya Biyaha Roobkii xalay ka da'ay magaalada.

Dhanka kale Ku dhawaad Shan Caruur ah oo ka mid ah Barakacayaasha ee ku dhaqan gudaha iyo duleedka gobolka Banaadir  ayaa ku geeriyooday Roobka xoogan ee xalay ka da'ay magaalada caasimadda ah.



Dhinaca kale Roobab Mahiigaan ah ayaa shalay illaa iyo xalay ka da'ayay gobollada dalka sida magaalooyin ay kamid yihiin Saakoow,Bu'aale iyo magaalada Marka ee Sh/Hoose, gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida aadka ah ay roobabku uga da'ayaan.

degmada Buula Fuulay ee gobolka Bay waxaa lasoo sheegayaa in Roobabka oo 7 saacadood xiriir ah da'ayay ay sababeen in warabahu ay buuxsamaan kadibna ay fatahaad sameeyaan arrinkaas oo dad badan ku farxeen, dad badan ayaa isugu bishaareynaya in sanadkan uu noqon doono sanad barwaaqo ayna meesha ka baxday abaartii laayaanka aheyd.

Related Items