Mid Kamida Wasiirrada Maamulka 'Somaliland' Oo iscasilaad Ku Dhawaaqay.

Monday November 06, 2017 - 07:58:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Wasiirrada Maamulka 'Somaliland' Oo iscasilaad Ku Dhawaaqay.

    Xilli uu sii xoogeysanayo Ololaha doorashooyinka madaxtinimo ee maamulka isku magacaabay Somaliland ayuu iscasilaad ku dhawaaqay mid kamida wasiirrada maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu sii xoogeysanayo Ololaha doorashooyinka madaxtinimo ee maamulka isku magacaabay Somaliland ayuu iscasilaad ku dhawaaqay mid kamida wasiirrada maamulkaasi.

Wasiirkii shaqada iyo arrimaha Bulshada oo katirsanaa Xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo madaxda ka yahay ayaa si lama filaan ah iscasilaad uga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Max'med Cabdullaahi Obsiiye ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in uu isaga tagay xukuumadda uu Hoggaamiyo Siilaanyo isagoo aan faah faahin dheeri ah bixin.

Dagaal dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeya sedaxda Xisbi ee UCID,Kulmiye iyo Wadani ayaa laga dareemayaa dhammaan degmooyinka uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’.


13,November 2017 ayaa lafilayaa in doorashooyinku ay ka dhacaan 21 degmo oo katirsan gobollada Sool,Sanaag,Togdheer,Awdal iyo waqooyi Galbeed, waxaa loo badinayaa in Xisbiga Siilaanyo uu markale kusoo bixi doono doorashooyinka soo socda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items