Cod+Akhris: Kooxo Jawaasiis Ah oo goordhow lagu dilay degmada Bu'aale Ee Gobolka Jubbada dhexe

Monday November 06, 2017 - 11:05:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Cod+Akhris: Kooxo Jawaasiis Ah oo goordhow lagu dilay degmada Bu'aale Ee Gobolka Jubbada dhexe

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay rag Afar ah oo aha u jawaasiis u basaasayay dowladda Federaal ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho iyo dowlado shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay rag Afar ah oo aha u jawaasiis u basaasayay dowladda Federaal ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho iyo dowlado shisheeye.


Fagaare kuyaal magaalada Bu'aale ayaa lagu toogtay illaa iyo Afar Nin oo lagusoo eedeeyay in ay ahaayeen Jawasiis indha u ah cadawga shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga wilaayada Jubbooyinka oo fagaaraha xukunka dilka ah ka dhacayay ka akhriyay waxa Ragga Afarta ah lagusoo eedeeyay ayaa sheegay in dhammaan ay qirteen dambiyada ay galeen sidaas ayaana lagu toogtay.

Jawaasiistan lagu dilay magaalada Bu'aale ayaa badankood waxay u shaqeynayeen dowladda Xabashida Itoobiya ee ciidamadeedu duullaanka ku joogaan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Fagaaraha xukunku ka dhacayay waxaa ku sugnaa boqolaal qof kuwaas oo daawanayay xukunka, saraakiil katirsan Al Shabaab oo hadlay ayaa farriin adag u diray kooxaha Jawaasiista ah ee isku dhax qariya safka Jihaadka kuwaas oo xogaha muslimiinta ugudbiya dhinacyo cadaw ah.

Magacyada Ragga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa kala ah.

1-Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas Wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya mushaarkiisu wuxuu ahaa $200, wuxuu sheegay in Itoobiyaanka uqaabilsanaa aruurinta macluumaadka iyo sahanka.

2-Cumar Cadar Cumar oo ahaa 25 sana jir wuxuu u shaqeynayay PS-ta dowladda Federaalka wuxuu kusoo tababartay Suudaan isagoo qeyb ka noqday ciidamadii loogu magac daray 'Nabad Ku Afura' ee muqdisho ka dhisnaa, Cabdi Risaaq Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay isagoo gaari shacab ah saarnaa kunasii jeeday magaalada Kismaayo.

3-Max'med Aba Mayoow wuxuu u basaasayay dowladda Federaalka wuxuuna ku biiray xilligii Cabdullaahi Yuusuf waxaa loo diray in uu xog ka keeno xeryaha tababarada 'Mujaahidiinta' balse waa laqabtay isaga oo aan waxba qaban.

4-Mustaf Macalim Xasan wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya wuxuu ciidamada Itoobiya ku hoggaamiyay Tuulada Caliyoow Dooyow ee duleedka degmada Buurhakaba halkaas oo ay dad shacab ah ku dileen.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Al Shabaab ay Kooxo Jawaasiis ah ku disho wilaayaatka ay maamusho, horay ayaa loo dilay rag Mareykanka iyo ingiriiska ubasaasayay.

Halkan ka dhageyso Qaadiga oo Xukunka akhrinaya MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items