Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Asluubta DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

Monday November 06, 2017 - 18:57:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Asluubta DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

    Rag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe markale magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirro sarkaal lagu dilay Muqdisho
Rag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe markale magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka.


Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay toogasho ku dileen sarkaal katirsanaa Ciidamada Asluubta xilli uu ku sugnaa Xaagadda Carafaat ee dhacda waqooyiga magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, habeen hore ayay aheyd markii xoogag katirsan xarakada Al Shabaab ay degmada Waaberi ku dileen Col.Max'med Dheere oo katirsanaa saraakiisha Booliska.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items