Maraykanka Oo Ka Hadlay Dhaqaalaha uga baxay dagaalka uu kula jiro Muslimiinta tan iyo sanadkii 2001 [Warbixin].

Monday November 06, 2017 - 19:19:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Ka Hadlay Dhaqaalaha uga baxay dagaalka uu kula jiro Muslimiinta tan iyo sanadkii 2001 [Warbixin].

    Taqriir cusub oo uu soo saaray sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa lagu sheegay dhaqaalaha uga baxay Maraykanka dagaalka uu kula jiro Muslimiinta ee ka socoda saaxaad badan, wixii ka dambeeyey weeraradii 11 Septembar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taqriir cusub oo uu soo saaray sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa lagu sheegay dhaqaalaha uga baxay Maraykanka dagaalka uu kula jiro Muslimiinta ee ka socoda saaxaad badan, wixii ka dambeeyey weeraradii 11 Septembar.


Lacagta Maraykanka kaga baxday dagaalka illaa iyo hadda socoda waxay gaareysaa 1.46 Trillion oo dollar, taas oo ka dhigan in maalin kasta oo 16-kaas sano kamid ah uu Maraykanku uga baxo dagaalka uu kula jiro wuxuu ugu yeero Argagaxisada ay gaareyso 250 Milyan oo dollar.

Dhaqaalahan la sheegay kuma jirto hantida uga baxda Maraykanka dhanka Sirdoonka, Amniga iyo arimaha lamidka ah, waana kaliya dhaqaalaha uga baxay hubka, mushaarka ciidamada iyo daaweynta Askarta dhaawacantay.



Waa dagaalkii ugu dhaqaalaha badnaa marka la eego dhanka Maraykanka, marka laga soo tago waxa loogu yeero dagaalkii labaad ee Aduunka, kaas oo Maraykanka ay kaga baxday hanta gaareysa 4.1 Tirllion oo dollar.

Haddii sanado uu sii socodo dagaalka uu Maraykanku kaga jiro dunida Muslimka waxaa shaki la’aan ah in isagoo dhaqaalihiisu baaba’ay ka bixi doono dagaalka.

Dagaalka dhanka dhaqaalaha ayaa ah Istiraatiijiyad uu dejiyay Sheykh Usaama bin laadin oo xooga saari jiray in Maraykanka uu dhaqaalaha ka baaba’iyo, waxaana hadda muuqaneysa mira dhalka Istiraatiijiyadda Sheekha oo shahiiday bishii May ee sanadkii 2011.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items