Weerar Gaadiid looga Gubay Ciidanka Kenya Oo Ka Dhacay Gobolka Mandheera.

Monday November 06, 2017 - 19:21:40 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaadiid looga Gubay Ciidanka Kenya Oo Ka Dhacay Gobolka Mandheera.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD Ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in markale weerar xooggan lagu qaaday ciidamo katirsan booliska dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari Booliska Kenya looga gubay NFD
Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD Ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in markale weerar xooggan lagu qaaday ciidamo katirsan booliska dowladda Kenya.



Weerar dhabagal ah oo maanta gelinkii dambe ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay u dhigeen kolonyo katirsan ciidanka Booliska Kenya ayaa dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah iyo sidoo kale burbur gaadiid.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah uu qabsaday ciidamo katirsan Booliska Kenya xilli ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq Kenya gobolka Mandheera, war kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in laba gaari oo ah nuucyada loo yaqaan Kooyalka lagu ugubay weerarka sida ay baahisay Idaacada Andalus.


Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in hub ubadan qoryaha G3-ga ay dagaalyahanadoodu kusoo qabsadeen dagaalkii maanta ka dhacay gudaha dhulka NFD.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarkan cusub ee ka dhacay gobolka NFD wuxuuna weerarkan imaanaya xilli xiisada siyaasadeed oo ka dhashay doorasho lagu shubtay ay ka taaganyihiin Galbeedka Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

 

Related Items