Askari Ka Goostay Maamulka Puntland Oo isku Dhiibay Al Shabaab.

Tuesday November 07, 2017 - 10:24:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Ka Goostay Maamulka Puntland Oo isku Dhiibay Al Shabaab.

    Ciidamada maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa bilaabay in ay ka goostaan xeryaha Melleteri ayna isku dhiibaan xoogaga Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa bilaabay in ay ka goostaan xeryaha Melleteri ayna isku dhiibaan xoogaga Al Shabaab.


Sida ay faafisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha mid kamida ciidamada maamulka Cabdi Wali Gaas ayaa isagoo Towbadkeen ah isku dhiibay maamulka islaamiga ah ee kajira deegaanada dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

Muxamed Saciid oo ah askariga isku dhiibay Al Shabaab  ayaa warbaahinta u sheegay in dhibaato dhan walba ah uu ugasoo cararay ciidamadii uu katirsanaa wuxuuna sheegay in uu ka qoomamayno kamid ahaashiyihii maamulka 'Puntland', wuxuu sheegay in akhlaaq darro iyo diin xumo ay kajirto xeryaha melleteriga maamulka Gaas.



Askarigan oo lagusoo bandhigay deegaanada Buuraha Goolis ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Bari ka codsaday in ay ka saamaxaan dambiyadii uu galay sanadadii uu askariga u ahaa Puntland, ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo ka goostay maamulka Garowe ay isku dhiibaan Shabaabul Mujaahidiin.

Bilihii lasoo dhaafay ayay ciidamo Gadoodsan xoog kula wareegayeen xarumo maamul iyo koontaroollo kuyaal magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la'aan baahsan.

Halkan ka dhageyso Askari isdhiibay MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items